42 sano kadib Van Gaal oo guuldaro u keenay United

By
Updated: August 16, 2014
Manchester United

Swansea City ayaa guushii ugu horeysay taariikhdeeda ka heshay garoonka Old Trafford markii ay 2-1 kaga badisay furitaanka horyaalka Manchester United, isla markaana ay  jab ku soo dhaweysay Louis Van Gaal oo kulankiisii ugu horeeyay Premier League tababare ku noqday Manchester United.

Van Gaal wuxuu dhigay taariikh cusub markii uu noqday tababarihii ugu horeeyay ee Manchester United ah ee kulanka ugu horeeyay looga badiyo Old Trafford horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Korea Ki Sungyueng ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliyay furitaanka horyaalka markii daqiiqadii 28d- uu gool kaga naxsaday United balse qeybtii dambe waxaa goolkaasi ka soo guday captain-kooda cusub Wayne Rooney,

Markii ay ciyaartu sii mareysay daqiiqadii 72d waxaa goolkii guuldarada kaga dhaliyay Manchester Gylfi Sigurdsson kaasoo guul taariikhi ah gacanta ka saaray  Swansea.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *