8 sano oo Blatter & Platini la xayiray

By
Updated: December 21, 2015
Blatter og Platini

Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter iyo kan Uefa Michel Platini ayaa mudo 8 sano ah waxaa laga mamnuucay howlaha ciyaaraha kubadda cagta, kadib baaritaan ay sameeyeen guddiha anshaxa ee FIFA , isla markaana go’aankaasi.

Madaxweynaha Fifa Blatter oo 79 sano jir ah ayaa tan iyo 1998 xukunka hayay, wuxuu mar hore sheegay inuu iska casilay FIFA isla markaana ay February doortaan ninkii badali lahaa.

Platini, oo 60 sano jir ah, waxaa lagu waday inuu booska ka dhaxlo Blatter laakiin seefta musuqmaasuqa FIFA ayaa salfatay.

Waxaa lagu eedeeyay Blatter inuu lacago sharci daro ah oo dhan $2m siiyay Platini 2011. Labaduba  wey diideen eedaha lagu eedeeyay.

Waxey sheegeen labadooduba in lacagtaan ay aheyd howlo iyo heshiisyo la qabtay 1998 -2002 markaasoo Platini uu ahaa lataliyaha farsamadda ee Blatter.

Lacagtaan la bixiyay kama mid aheydn heshiiska qoran ee Platini laakiin waxey sheegeen in ay aheyd heshiis afka ah oo ay gaareen, kaasoo sharci ka ah Switzerland.

 

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *