Home Warar Ciyaaraha Maanta Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot oo ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisu...

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot oo ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisu kala kulantay Nottingham Forest

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisu kala kulantay Nottingham Forest kulan ka tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Nottingham Forest kulan ay ku sugnaayeen Anfield.

“Kubada marar badan ayaanu ku luminay xaalado fudud. Taasi waa sheekadii ciyaarta”ayuu Slot yidi.

“Waa inaan kaliya eegno nafteena, waa inaan fiicnaannaa”.

“Marar aad u badan waxaan luminay kubbadda anaga oo joogna agagaarka goolkeena”.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here