Awoowgey ayaan balan ka qaaday

By
Updated: February 20, 2016
Aubameyang

Pierre-Emerick Aubameyang oo ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee ka ciyaara horyaalka Bundesliga, isla markaana ah gool dhaliyaha Borussia Dortmund, ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah xiddiga loogu raadinta badanyahay kubadda cagta adduunka.

Xiddiga reer Gabon waxa kaliyaha ee uu maskaxda ku hayo waa sidii uu ugu ciyaari lahaa garoonka Bernabéu. “Wixii aan caruurnimadeydii ku riyoon jiray waxey aheyd sidii aan mar uun ugu ciyaari lahaa Real Madrid.”

“Sanadkii 2010, ka hore intii uusan dhiman awoowgey, kaasoo ka soo jeeda xaafadda Ávila [u dhow Madrid], waxaan u balan qaaday in aan u ciyaari doono Real Madrid”, Aubameyang ayaa sidaasi u sheegay wargeyska L’Équipe Magazine.

Horey MARCA waxey u qortay in qoyska Aubameyang gaar ahaan hooyadiisa oo Spanish ah ay dhamaantood taageero u yihiin ‘Los Blancos’.

“In aan u ciyaaro Real Madrid waxey sidoo kale had’yadd weyn u tahay hooyadey  Margarita”. ayuu yiri.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *