Champions league: Barcelona Vs Panathinaikos

By
Updated: September 14, 2010
Andrés Iniesta

Barcelona sanadkii tagay waxaa loo diiday iney noqoto kooxdii ugu horeysay ee UEFA Champions League 2 sano oo isku xiga qaada waxaana ka hor istaagtay FC Internazionale Milano oo ku reebtay heerka semi-finals, sidaasi oo ay tahay FC Barcelona waxey kulankeeda ugu horeeya ee Group D ay gurigeeda kula ciyaari doontaa Panathinaikos FC.

• kooxda reer Spanish kulamadii groupkeeda 3dii sano ee la soo dhaafay wey wada badisay , 8 mar ayeeyna u soo baxday heerka knockout 9kii sano ee ay koobkaan ka soo qeybgaleysay, halka mar oo aysan imaan waxey aheyd 2003/04.

• Panathinaikos waxey qaarada yurub iska soo xaadirisay markii ay hal sano ka maqneyd. Xilligeedii ugu wanaagsanaa wuxuu ahaa 2001/02 markaasoo ay gaartay quarter-finals waxaana markaasi reebtay Barcelona.


• Barça 2 ka mid ah ayeey badisay 4tii mar oo ay horey ula soo ciyaartay kooxdaan. 5-0 ayeey mar kaga adkaatay waxey aheyd 2005/06 heerka group stage.

• 2daan kooxood markii ay kulmeen 2001/02 heerka quarter-final-ka kooxba mar ayeey dhibcaha qaadatay.

• Barcelona 5tii kulan oo ay gurigeeda kula ciyaartay kooxaha Greek wey ka wada badisay waxeyna nasiib u leedahay iney ka dhaliso goolal aad u badan.

• 11 kulan oo ay gudaha Spain, ku ciyaartay Panathinaikos 10 ka mid ah waa laga badiyay marka soo harna bareejo ayeey gashay.

• markii ugu danbeysay oo laga badiyo kulan furitaan ah oo ah UEFA Champions League wuxuu ahaa 1997/98 markaasi 3-2 waxaa kaga badisay Newcastle United FC.

• Panathinaikos 2- sano ka hore ayeey aheyd markii ay taariikhdeeda u soo baxday wareega knockout 7 sano gudahood.

• Luís García wuxuu wax ka soo bartay La Masia, oo ah academy Barcelona, waxeyna iskala soo baxeen academy Carles Puyol, Xavi Hernández, Andrés Iniesta iyo Víctor Valdés. Oo haatan u wada ciyaara Barcelona.

•Difaaca khadka dhexe ee Panathinaikos Josu Sarriegi wuxuu ciyaarihiisa inta badan ku soo qaatay Spain gaar ahaan Deportivo Alavés (2000-06) iyo Athletic Club (2006/07), kadib Panathinaikos ayuu ku biiray 2007.

By Sunni Said Salah

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>