Feer ka dhici doona Afghanistan

By
Updated: October 30, 2012
Said Mbelwa

Afghanistan ayaa lagu martigalin doonaa tartankii ugu horeeyay ee feer caalami ah oo dhanka ragga ah xilli aad loo adkeeyay amaanka xarunta dalkaasi ee Kabul.

Feer 12- wareeg ah oo miisaanka dhexe ah oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka feerka adduunka ee World Boxing Organisation Intercontinental ayaa loo diyaar garoobayaa maalinta beri ah.

Feeryahan u dhashay Germany laakiin asal ahaan ka soo jeeda Afghanitan oo la yiraah Hamid Rahimi ayaa wuxuu la feertami doonaa nin u dhashay Tanzania oo la yiraah  Said Mbelwa.

Ciyaarta waxaa loo tabin doonaa si toos ah iyadoo lagu wado in malaayiin Afghans ah oo guud ahaan wadankaasi ku nool ay daawadaan xilli kooxda Taliban ay mamnuuceen ciyaartaasi.

Daawashada ciyaarta feerka ah waxaa ka soo qeybgali doonaa shaqsiyaad caan ah oo iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro.

Qaban qaabiyaashu waxey ugu magac dareen feerkaasi “Fight 4 Peace”  oo ay muhiimadiisu tahay in ciyaaraha loo adeegsado sidii dib loogu soo celin lahaa nabadii wadankaasi oo ay dagaalo aafeeyeen.

Mbelwa, waa 23 sano jir, feerkiisa miiska dhexe wuxuu badiyay 19 mar 31 feer oo uu ciyaaray halka 8 mar laga badiyay.

Rahimi oo 6 sano ka weyn ninka uu la feertamayo ayaa 20 kulan badiyay 21 feer oo uu ciyaaray.

Follow us:  Twitter |  Facebook

Sunni Said Salah

Related posts:

Share/Bookmark

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>