Hiddink oo dhaxlay Mourinho

By
Updated: December 19, 2015
Guus Hiddink

Tababarihii hore ee Netherlands Guus Hiddink ayaa si ku meel gaar ah macalin ahaan looga dhigay Chelsea, isagoo booskaasi sii heyn doona illaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkaan kadib markii meesha laga eryay Jose Mourinho.

Ninka 69-sano jirka ah ayaa horey heshiis sidaan oo kale wuxuu tababare ugu noqday kooxda Blues gaar ahaan xilli ciyaareedkii  2008-09.

“Waan ku faraxsanahay in aan soo laabto,” ayuu yiri ninka reer Dutchman. “Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka laakiin waxey fadhidaa xilligaan meel aysan ku habooneyn in ay joogto.”

Mourinho ayaa shaqadaan laga eryay markii 9 kulan laga badiyay isla markaan Chelsea dhigay booska 16aad ee Premier League, iyadoo hal dhibic oo quraha u jirta booska kooxaha laga yaabo in ay laabtaan sanadka soo socda.

 

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *