Hogaamiyaha cusub ee FIFA

By
Updated: February 26, 2016
Infantino

Gianni Infantino ayaa walaalkiisa reer Swiss ,Sepp Blatter kala wareegay madaxweynanimadda xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa. Ninkaan oo ah xoghayaha Uefa ayaa doorashadda ku guuleystay markii uu helay 115 cod, isagoo 27 cod ka dheeraaday ninka tartanka adag uu kala dhaxeeyay ee Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa kaasoo helay 88 cod.

Blatter, ayaa hogaamiye ka ahaa Fifa tan yo 1998, laakiin sandkii tagay ayuu ka tagay shaqadaasi  inkastoo markii dambe 6 sano laga mamnuucay ciyaaraha markii lagu helay inuu jabiyay sharciyadda FIFA.

Infantino oo ah 45-sano jir, waa khareen ka yimid magaaladda Brig ee gobolka Valais, Switzerland, taasoo 6 mile wax ka yar u jirta meesha uu asal ahaan ka yimid Blatter ee Visp.

Doorashadda ayuu soo galay markii ay u caddaatay in Michael Platini, loo diiday tartanka.

 

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *