Jidadka Mecca oo laga fujiyay sawirka…

By
Updated: February 11, 2016
Neymar

Boorar xayeeysiin ah oo uu ku sawirran yahay weeraryahanka xulka Brazil Neymar da Silva ayaa  muran xoogan ka dhaliyay magaaladda barakeysan ee Mecca, kaasoo sababay markii danbe in laga fujiyo jidadka magaaladdaasi xayeeysiintaasi.

Go’aankaasi ayaa la qaatay markii laga dooday in xayeeysiintaasi ay xadgudub ku tahay  waxa loo yaqaan”religious sanctity” oo ah karaamadda diinta maadaama ay magaaladdu tahay wadanaha Muslimiinta adduunka.

Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee sameysa cuntadda fudud McDonalds ayaa fujisay dhamaan xayeeysiintii xambaarsaneyd sawirradda xiddiga Barcelona markii baraha bulshadda laga dhaleeceeyay xayeeysiintaasi iyadoo lagu tilmaamay in sawirkaasi uu wax u dhimayo sumcadda  dhanka diinta ah ee Mecca

Mas’uuliyiinta McDonalds ma xaqiijin in go’aanka lagu mamnuucay xayeeysiinta Neymar uu la xirriiro sida joogtadda ah ee uu garoomadda ugu muujiyo Christian-imadiisa.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *