Kooxda Comsed ee Puntland-Sawiro

By
Updated: September 26, 2010
Comsed1

PUNTLAND-Kooxdaan oo ka mid ah kooxaha heerka 1aad ee puntland waxaa la Aas,aasay sanadku markuu ahaa (1995) waxaana iska leh kooxda Dr, C/qaadir Maxamed Jaamac (Dhaga Cade), kooxda waxaa macalin u ah  Ilyaas Cabdinuur, Guddoomiye waxaa u ah Cabdi Qani Khaliif Carabey,  xoghayaha kooxda waxaa lagu yiraah Xaaji Buubaa halka captain-ka
kooxda uu yahay Ibraahin khalal.

Kooxda Comsed waxaa waxey heysataa 14 koob oo iskugu jira Horyaalo ka tirsan heerka koowaad ee Gobolka Mudug iyo kuwo Munaasabado Caalami ah , waxey ka qeyb gashaa ciyaaraha Gobolada Puntland , waxeyna noqotay kooxdii ugu horeysay oo gobol ahaan matasha kana qeyb gasha ciyaaraha gobolada.

Kooxdu waxey dhowr safar ku tagay Gobolada Sool oo ay Somaliland ka taliso iyo Sanaag oo Comsed noqtay kooxdii ugu horeysay e etagtay halkaa oo ciyaaro ku soo ciyaarta iyo dhamaan gobolada kale ee Puntland.

Kooxdu waxey leedahay Garoon weyn oo ku yaala magaalada ay ka dhisantahay ee gaalkacyo lana yiraah Cadood stadium, waxey leedahay oo kale xarun Caafimaad oo lagu baaro ciyaartoyda , xarun weyn oo ay kooxdu iskugu timaado, waxeyna leedahay coffeteria u gaar ah kooxda kuna nasato marka ay banooniga soo dheesho ama ay tababarka ka timaado, waxey kaloo kooxdu leedahay xiriiro dibada oo banaanka dalka ah.

kooxdu waxey leedahay dhar u gooni ah oo ay ku ciyaarto , waxaana qalabka ay ku ciyaarto looga keenaa wadanka Talyaaniga halkaasoo milkiilaha kooxda uu  xarun ku leeyahay, iyadoo xiriirka kubada cagta Somaliyeed ay u aqoonsadeen koox ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee dalka.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

7 Comments

  1. maxamuud

    September 26, 2010 at 4:56 pm

    magacaygu waa maxamuud waxaana kusuganahay wadanka thailand waxaana ahay muwaadin soomaliyeed waan kufarxansanahy koox ka mid ah kooxaha wadankayga inay heerkaan gaadho waxaana leeyahay waa masha allah wada dadaalkiina dhalinyaro insha allah waxad noqondoontaad qaranka somalia madama somalia aysan qaran lahayn oo maalin kasta masar ama djbouti 5 uga badiyaan lakin comsed sidaa way kaqaalisantahay xiriirka somaliyana ha arko kooxdaas playarona haka soo kaxaysto

  2. Wadani

    September 27, 2010 at 6:37 pm

    Waad Salaaman tihiin dhamaantiin Sl Kadib Waxaan Qabaa in kooxuhu Ay noqdaan kuwa ku Xisaabtamo in Kaabi U noqdaan Xulka Qaranka Soomaaliyeed Mooyee Maahan in Dadka Qaar aysn ka War hayn In Ay jiraan Seddex Xul Qaran oo Kala Duwan Oo Matala Dalka Soomaaliya Aan Kala Qaado Xulka Qaranka Soomaaliya Seddexdiisa Qeybood
    Xulka Qaranka Iyo Xulka Qaranka U20 Iyo U17
    OK intaasi dad baa ku dadaalay, Aan is weydiino dadaalkooda ma soomaali jaceyl baa mise dan kale? dadweynaha ayaan u daayay,
    mida kale waxaa jira mid ka mid ah ciyaartooyda qaranka oo dhaawac halis ah soo gaaray,
    Talow muxuu ku sugan yahay dabcan isaga ayaa ka warami kara ciyaaryahan Aanyeerta

  3. saadiq

    September 28, 2010 at 8:53 am

    comsed waa koox aad uweyn wana koox matali karta xulka kubada cagta ee soomalia waxaan lee yahay xirika kubada cagta ee soomalia si gar sh ha u fiiriyan kooxdan comsed

  4. abdirehman

    September 28, 2010 at 9:11 am

    waxan orankaraa waa hormumar wadanka u yimid waxaana ku faraxsanhy in kooxi heerkaa gaadho dhamaan kooxaha kalena waxan leeyahay ku dayda kooxda comsed ee horumartay dhamaantiin waad salaaamantihiin kooxdana waxaan u rajaynayaa horumar intaan kawayn iyo in ay kashaqeeyaan arimaha bulshada iyo nabda

  5. ibrahim

    September 28, 2010 at 9:23 am

    dhabti aadbaan ugu faraxsanahay kooxdaan dadaalkey sameysey waxaa la oran karaa waa naadi diyaarsan kana talinaya hormarka dhalinyarada maadaama ay dadaalkaas oo dhan muujiyeen waxay ubaahan yihiin in lagarab qabto si ay ugaaraan hormarkaan mid kasaa’ida waxaan oran lahaa in kooxdaan lala garab istaago wixii talo ah wax qabad iyo dhaqaale waxaan aamin sanahay iney kooxdan tahay koox maamuus iyo maamul leh hormarna diyaar u ah kooxdaan saan qoraalka ka akhristey waxaa macalin u ah ilyaas c/nuur oo ah dhabti macalin taariikh kula dalkeena waana macalin shahaadu fifa ah wata waa macalin soo kurdhinka horomar soomaaliyeed

    ibra/canada/

  6. sahal

    September 29, 2010 at 11:46 am

    kooxdan waa koox hormar sameyn karta xirika kubada cagta ee soomalia waxan ka cod sanayaa iney wax la qabtan kooxdan

  7. xasan cali

    October 2, 2010 at 9:54 am

    qaran hadii aad maqashid waxaa soo xasuusanee kooxo aad u fiican oo laga xuulay ama hal koox oo inta badan mataleysa qaran ama dhamaantood iika ciyaartoy ee noqdaan hal koox sida aan ku aragnay talyaaniga kooxda yuufi
    marka xiriirka somaliyeed ha u shaqeeya si daacad ah
    waxaana ku suganhay mogdshu

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *