Maradona oo taageero u muujiyay shacabka reer Falastiin

By
Updated: August 25, 2011
mrdona2

Mucjiadii hore K/cagta Diego Armando Maradona ayaa sheegay inuu taageersanyahay shacabka reer Falastiin ee gumaadka lagu hayo. captain-kii koobka aduunka ku guuleystay ayaa hadalkaasi jeediyay Ka dib markii uu si xushmad ku jirto u gudoomay hadiyad uu siiyay wiil reer Falastiin ah,taasi oo aheyd cimaamada astaanta u ah shacabka reer Falastiin oo ay ka dhaxleen alah u naxariistee hogaamiyahoodii hore Mr Yasser Arafat.

Maradona oo luqada English-ka ku hadlayay ayaa marka hore u mahad celiyay wiilkii siiyay cimaamada,isagoona ka dib cod kore ku dhahay “.Viva Palestina.”,waxuuna sidoo kale afka Spanish-ka fariin salaan ah hawada u mariyay dhamaan reer Falastiin,isagoona dhahay “..Salaama yaa Shacbul Falastiin..”

Digo Maradona oo haatan tababare u ah kooxda Al Wasl ee ka dhisan dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa la sheegaa inuu saaxiibo dhow la yahay rag badan oo kasoo horjeeda siyaasada dalka Israel ee ku wajahan shacabka reer Falastiin,waxaana dadkaasi laga xusi karaa Madaxweynaha dalka Venesuale Hugo Chavez halyeeygii hore dalka Cuba
Fidel Castro iyo Iran president Mahmoud Ahmedinijad.

Xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”
xuseenriiko@gmail.com

Related posts:

Share/Bookmark

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>