Messi oo abaalmarintii helay

By
Updated: February 12, 2016
Messi

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa markii ugu horeysay helay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Spain bishii january- Abaalmarintaan oo bixinteeda la bilaabay xilli ciyaareedkii 2013-14, ayaa xiddiga 5ta mar ku guuleystay Ballon d’Or uusan helin 22 oo horey loo bixiyay,

Xiddiga xulka Argentina ee 28 sano jirka ah, ayaa ugu danbeyntii helay abaalmarintaan markii uu dhaliyay 6 gool 5tii kulan ee ugu danbeysay La Liga bishii January.

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa 2 mar ku guuleystay abaalmarintaan tan iyo markii la bilaabay September 2013.

Messi waa ciyaaryahankii labaad ee Barcelona u ciyaara ee abaalmarintaan qaata marka laga yimaado Neymar oo bishii November la siiyay.

Sadexley wuxuu ka dhaliyay Granada, waxaa intaasi u dheer goolal uu ka dhaliyay  Athletic Bilbao, Malaga iyo Atletico Madrid, bishii January.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *