Messi oo xareystay 5 Ballon d’Or

By
Updated: January 11, 2016
Messi

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa markii 5aad la hoyaaday abaalmarinta xiddiga ugu fiican dunida ee Ballon d’Or, wiilka  28-sano jirka ah ee reer Argentine ayaa guushaan helay markii 41.33% uu helay codadkii la bixiyay halka ninka uu xafiiltanku kala dhaxeeyay ee Cristiano Ronaldo (27.76%) sidoo kale saaxiibkiis Barca, Neymar (7.86%).

Messi iyo 2015

  • 61 kulan,  52 gool iyo 26 caawinaad.
    Messi wuxuu Barcelona u qaaday sanadkii tagay UEFA Champions League, Spanish Liga, Copa del Rey, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup, isagoo final walba gool dhaliyay , intaasi waxaa u dheer in  August sanadkaan uu noqday UEFA Best Player in Europe markii 2d.
Sidii loogu kala guuleystay  Ballon d’Or
2014: Cristiano Ronaldo 2008: Cristiano Ronaldo
2013: Cristiano Ronaldo 2007: Kaka
2012: Lionel Messi 2006: Fabio Cannavaro
2011: Lionel Messi 2005: Ronaldinho
2010: Lionel Messi 2004: Ronaldinho
2009: Lionel Messi 2003: Zinedine Zidane


Gabadhaan ayaa xiddigta adduunka noqtay

Carli Lloyd

Carli Lloyd, oo  33 sano jir ah, isla markaana xulka USA u qaaday koobkii adduunka markii ay 3 gool ka dhalisay ciyaartii ugu danbeysay Japan, ayaa hanatay abaalmarinta xiddigta adduunka.

Macalinka ugu fiican waxaa loo doortay tababaraha Barcelona Luis Enrique  iskastoo uusan xaflada joogin markii uu 5 koob u qaaday kooxda sanadkii 2015,

©Getty Images

Kooxda Fifa/Fifpro World XI

Real Madrid oo aan wax koob qaadin sanadkii tagay ayaa 4 ciyaartoy ku yeelatay kooxda addunka, kuwaasoo kala  ah: Neuer, Marcelo, Thiago Silva, Sergio Ramos, Dani Alves; Iniesta, Modri?, Pogba; Neymar, Messi, Ronaldo.

Abaalmarinadii la bixiyay
FIFA Ballon d’Or: Lionel Messi (ARG, Barcelona)
FIFA Women’s World Player of the Year: Carli Lloyd (USA, Houston Dash)
FIFA World Coach of the Year (Men’s): Luis Enrique (ESP, Barcelona)
FIFA World Coach of the Year (Women’s): Jill Ellis (ENG, United States)
FIFA Puskás Award: Wendell Lira (BRA, Goianésia v Atlético-GO)
©UEFA.com

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *