Mourinho: “deg-deg iguma jiro”

By
Updated: February 24, 2016
Jose

José Mourinho, wuxuu joogaa Singapore,  markii ay wariyayaashu ku soo xoomeen si ay wax ugu ogaadaan halka saldhigan doono, wuu diiday inuu kala cadeeyo wararka malawaalka ah ee suuqa hareeyay kuwaasoo sheegaya inuu tababare u noqon doono Manchester United.

Hal arrin ayuu cadeeyay taasoo ah inuu sanadka soo socda meel eber ah wax ka bilaabi doono taasoo uu ula jeeday in sanadka cusub uu koox cusub la bilaaban doono isla markaana uusan horyaal socda dhexda ka qaban doonin

“Waxaan jeclahay in aan sugo oo aanan deg-degin, maxa yeelay wax walba waqtigeeda ayaa wanaagsan in la sugo. Sanadka cusub ayaan ka shaqo bilaabi doonaa koox cusub”, Mourinho ayaa yiri.

 

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *