Muguruza oo qaadatay China Open

By
Updated: October 11, 2015
Garbine Muguruza of Spain poses for photographs with her trophy during the award ceremony after winning the women's singles final match against Timea Bacsinszky of Switzerland at the China Open Tennis Tournament in Beijing, China, October 11, 2015. REUTERS/Kim Kyung-Hoon

Garbine Muguruza, oo Spain u dhalatay kana mid ah  gabdhaha da’da yar ee mustaqbalka ku leh ciyaaraha tennis-ka ayaa ciyaartii ugu dambeysay kaga tilaabsatay Timea Bacsinszky oo Switzerland u dhalatay isla markaana ku guuleysatay horyaalka China Open.

Muguruza oo 7-5, 6-4 ku badisay ayaa waxey noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay taariikhdeeda ku guuleysato koob sarre isla markaana waxey sidaasi ku soo gashay kaalinta 4aad ee kala horeynta tennis-ka adduunka.

Muguruza oo maalmo ka hare buuxisay da’da 22 sano ayaa waxey noqoneysaa gabadhii ugu ugu yareyd ee koobkaan ku guuleysata laga soo bilaabo markii  Petra Kvitova oo 21 sano jir aheyd ay horyaalka WTA ku qaaday Istanbul sanadkii 2011.

 

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *