Fadeexad ka dhalatay qaadista calanka Soomaaliya ciyaaraha Olympics

By
Updated: July 28, 2012
ZamZam oo hogaaminaya 5 qof oo Soomaaliya ka socda

Xalay waxey aheyd habeen ay si weyn u wada sugayeen shacabka Soomaaliyeed in  calankooda Baluuga ah uu ka soo dhex muuqdo Tuulada Ciyaaraha Olympic-da London 2012, diyaargarowgii Soomaalidu u galeen ka qeyb galka ciyaarahaasi waxaa ka mid ahaa in Calanka Baluuga ah uu qaadi doono halyeeygii orodkii adduunka 1500 mitir Cabdi Bile Cabdi.

Wax wanaagsan ayeey aheyd in calanka soomaaliya uu ka soo dhexmuuqdo xafladii furintaanka ee ciyaaraha Olympic laakiin maxaa qaldamay oo iska badalay qaadista calanka Soomaaliya?.

Dad badan waxaa niyad jab, iyo murugo ku noqotay in ciyaaryahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi oo safar dheer u  soo galay sidii uu u qaadi lahaa calanka Soomaaliya  daqiiqadihii ugu danbeeyay lagu war-galiyay  inuusan qaadi doonin calanka.

ZamZam oo hogaaminaya 5 qof oo Soomaaliya ka socda

Qaladka ugu weyn arrintaasi waxaa lahaa guddiga Olympic-da Soomaaliyeed ee GOS oo shaqadii laga rabay ka soo bixi waayay xitaa wax kale iska daaye waxey ogaan waayeen maamulkoodu cida loo ogolyahay in ay qaado calanka.

Cabdi Bile,  London waxaa keenay GOS waxeyna u keeneen inuu calanka Soomaaliya qaado marka ay dhaceyso xafladda furitaanka ee Olympic-da, taasi waxaa cadeyn u ah Cabdi Bile oo Saxaafadda gudaha iyo dibadda u sheegay inuu yahay ninka qaadi doona Calanka Soomaaliya.

Laakiin waxaa si lama filaan ah Liiska IOC ugu soo baxay in qofka qaadaya calanka Soomaaliya uu yahay Zamzam, arrintaasi xitaa GOS waxey ka war heshay saacado uun ka hore intii aan la gaarin xafladii furitaanka , halkaasi waxaa kaaga cad in shaqadii loo xilsaaray GOS ay dayaceen isla markaana ay ku mashquuleen ka qeybgalka cashooyin maalaayacni ah.

Gudoomiyaha GOS oo arrinkaan wax laga weydiiyay wuxuu yiri “waxaa nagula war galiyay goor dhow in qof aan ciyaartoy aheyn uusan qaadi karin calanka, ma naqaano wax aan sameyno ”  ceebey tacaal. warkaasi waxey ogaadeen ragga GOS hogaaminaya saacado ka hore xaflada furintaanka.

Taasi waxey aheyd fadeexo iyo fool xumo ku habsatay dadka sheeganaya mas’uuliyiinta Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed in ay kala ogaan waayaan dadka ugu qeyb galaya xaflada iyo dadka aan ugu qeyb galeynin, cida calankooda qaadeysa iyo cida aan qaadeynin.

Related posts:

15 Comments

  1. faisal

    July 28, 2012 at 4:06 am

    waaa wax laga xuumado , isla markaana laga yaqyaqsado bro , sabbatoo ah waxay sameeyeen Gos wax fool xun , waxay tani cadeey u tahay xil gudasho la,aan iyo musuq maasuq baahsan oo ka jira Gos .

    abdi bile waa halyeey soomaaliyeed , misna magac iyo maamuus ku leh Bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , maanata , isga aaya ka mudan kuwa hogaanka u haya Gos, balse waxaanu leeyahay Sorry , abdi bilee

  2. Tusaale

    July 28, 2012 at 11:26 am

    somaliya weligeed heer ma gaareyso inta ay hor boodayaan dad ku shaqeysta musuqa, waxaa yaab leh in la dhaho cayartoy baa ka qeyb galeysa cayaaraha alompicada, ayadoo la lacaga laga soo qaadey shacab caadi ah oo oo aan haba yaraateey weligoo cayaarin, waan hubaa wiilka waa cayaaryahan laakiin gabarta iyo qaar badan oo wafdiga ka tirsan oo ugu horeeyo nin la yiraahdo cabdixakiin oo shirkada hurmuud ka shaqeeyo oo caan ka ah xamar iyo dad kale ayaa ku baxay wefdiga taasoo fadeexad weyn ku ah xiriirka, fadlan saxaafada arintaas ha u kuurgasho.

  3. Mohamed

    July 29, 2012 at 12:35 am

    SOMALITYEEY dhaleecayn hormar laguma gaaro ..Abdi bille waa halyeey Soomaaliyeed balse haduu sharciga sidaa noqdey ma xiriirkaa qaladka leh …Zamzamse waa gabar Somaliyeed yaa kaxun???Tusaale sxb wax iskula har hoowshu si fiican bay u socotaa Somalidu way ku wada faraxsan yihiin QABIIL ayaa idiinka qaylisiinaya saan filaaa balse waa laga gudbi doonaa insha Allah..

  4. A/rahaman

    July 29, 2012 at 2:36 am

    DHAANTIIN WAA IDIN SALAMAY.
    ARINTA CALAN QAADISTU WAA WAXA SOOMALI LA DEGI LADAHAY SABABTOO HA NIN WALIBA ISAGAA SIDUU DOONO KA YEELAYA WAXA UMADA KA DHEXEEYA MEESHANA WAAD ARAGTAA IN MAAMUL UUSAN KA JIRIN.RUNTIINA HADAAN CABDI BILE AHAY MA IMAADEEN CASUUMADA KUWA MAGACA WATAA II FIDIYEEN.
    WADAN KASTAA WAXAA CALANKA U SIDEY QOF BILD HAYSTA AMA CIYAARAHAA MEEL WACAN KA GAADHEY WUUNA U QALAMEY IN UU QAADO.
    CABDI BILENA WAXAA KELIYA OO KU FILAN MAALMO UU KA SHARAF BADNAA CALAKU AYUU SOO QAADAY.

  5. umuqamar

    July 29, 2012 at 4:22 am

    asc walaalayaal waan idin salaamy horta waxa xalay dacay waa wax aan aad iyo aad uga xumaaday ,sababtoo ah waa shaqsi u qalma inuu qaado calanka soomaaliyeed waa nin u soo halgamay xitaa dad badan oo aan ogayn inay soomaaliya meel ka gaartay balse ku ogaan lahaa markuu qaado cabdi bile oo laga sheekeyn lahaa biladiisa laakiin aasif walaahi Illaahow naga qabo wax musuqmaasuqa wada,hana ii arkina inaan sam sam ka soo horjeedo sharaf ayay ka leedahay agtayda laakiin cabdi ayaa ka mudnaa xalay calan qaadista awal baa la yiri ‘wey jabtaa lug dambe hadey lug hore dhaafro wsc,

  6. Suuq

    July 29, 2012 at 4:24 am

    Asc
    Walayaal xishooda waxan waren laguma noqon koro dalken ninba dhinac Ka biliqrystey alaha noo miciino yaa lagu mashquul Abdi bile iyo calenka waxa Ka danbeeya eega dalkii dab buu kuu sii dhacaya

  7. umuqamar

    July 29, 2012 at 4:25 am

    asc mar kale waxaan rabaa inaan u jawaabo shaqsigan ku soo faalooday magaca MOHAMED aqi sam sam waa gabar soomaaliyeed qabiilna laguma xaqirayo just waxaa lguu sheegayaa keliya in laga mudnaa ileen iyada bilad ma heysato aqi aarba aarbaa ka weyn ilmana aabahood marka wixi xaly dhacay hadii lagu sameeyay qabiil iyo wax lamida waa mid aad looga xumaado waxa keliya een horumar uga talaabsan la’nahayna waa cudurkaas laayaanka ah ee qabiil ma sharaf umadeed ayaad qabiil u nisbeyneysaa iqscaleek.

  8. xasan

    July 29, 2012 at 8:45 am

    reer somalia nin kan cabdi bile cabdi waxa la ogaaday in aanu kasoo jeedo sland markaas baa lag dul guuray markaa kolay reer somali land way idin fiir sanayaan calmka ayaad ula simantihiin laakiin sanadka jaabuuti ayaan aad utageer sanahay

  9. bille cabdi

    July 29, 2012 at 10:36 am

    walaalayaal dhamantin wad qaldan tihin waxana uleayahay sas qafka calanka qadaya waa inoo noqdaa ciyaryahan hadusan ahen maqadi karo cabdi bille na waa halyay somaliyed inkastoo uqalmo inuu qado waxaa igala habon zamzam marka waxan idsin kleyahay hamshqulininee ninka qormadan qoray waa nacas nacas dhalay wana laqanban donaa insha alah

  10. ali jebeye

    July 29, 2012 at 11:03 am

    ilaahoow hanaceebayn war maxaa dhacay xalay isboortigiina ma waxaasaa udanbaysey wixii dhacay ee lagusameeyey halyey cabdi bile cabdi waxaa kajawaabi doona umada soomaaliyeed ee damiirkoodu noolyahay oo aan udaynayaa EE ILAAHOOW EEBOOW SOOMAALI BADBAADI OO NOOXAFID DHULKEENA IYO DADKEENA ILAAHOOW KUWAN WAX MA OGEE KUWA WAX OG NOOSOO DE DEJI AAMIIN

  11. A. Ugas

    July 29, 2012 at 6:33 pm

    Xaqiiiqdii ma rumaysni in xiriir Olympics ay Somalida ku qasbsyaan cidda calanka u qaadi doonta. Waxay ku haboonayd oo ay ahayd intaariiqdiisa la xuso Abdi Bile. Zamzam inay calanka qaado marna kama xumaan sababtoo ah waa gabaryar oo qalba wanaagsan kuna timid hallaan xaallad aad u dhib badan. Waxaasu mudnaa Abdi Bile.

    Somalida qabiilka Allah haka gudbiyo.

  12. nawaal

    July 30, 2012 at 8:33 pm

    Dahir Calasow asc ,walaal gudiga olympiga Soamaliyed been bay u sheegeen Media .hadii aad fiirisid International Olympic commitee rulkooda sidaa ma aha uma dooran dowladaha qofkii qaadi lahaa calanka waxad gashaa 2012 summer olympics flag bearercom ,waxa ku qoran dowlad walaba xiriika olympigoda ayaa iska soo saara qofkii u qaadi laha calankooda waxay keensan karan qof caana ah oo magacooda dunida barey ama qof marka kamaid ah kuwa tartamaya ,shurood ma jirin ioc cidna kuma qasbi karto qofkii qadilaha calanka ,e waxa ka masuul aha natonal olympig comitte eedalkasta ,markaa gudiga olympiga somaliyeed ayaa sameeyey arintaa qabiil ayna sal ku leedahay ee yeysan been mediha keenin ninka DAROOD nimey u arken umesan arag HALYEY SOMALIYEED OO MAGACEENA DUNIDA BAREY1987 sorry for cabdi bile cabdi aniga qof ahaan ma fiirsanayo maalmaha ay somalida ordeyso ! markaa adigana waxba ha dabooline sheeg runta haddi aad tahay wariye ummadda u dhaxeeya ! thank you !

  13. Bashiir

    July 31, 2012 at 2:01 pm

    ASC soomaaliyeey, zam zam waa gabar soomaaliyeed oo ciyaartooy cusub ah hadii uusan joogin cabdi bile halyeeygii soomaaliya iyadaba xaq ayeey u leedahay waana soomaali madoow ah weliba marka waxaaba fiican in sanad kasta qof cusub calanka iyo goobtaba ka muuqdo maxaa hal qof nadaba dhigay 19 milyan oo afka soomaaliga ku hadasha ayaan nahay we have to support the new generation well done ZAM ZAM

  14. umu sihaam

    July 31, 2012 at 5:50 pm

    war ilah kabaqa iskadaya ficilka xun zamzam iyo abdi bile wa labo qof o somalinimada ey ku dhertahay adinka waxa idinku dher qabiilka qabiilna qaran manoqdo waxey raban haku hesheyane calanka mesha malageyay muhemada wa ta

  15. Nawaal ku socota

    August 1, 2012 at 4:24 am

    Nawaal walaal hadaad adiga tiri ma fiirsanayo gabadha soomaaliyeed ee calankeena xanbaarsan, ma u maleeynaayo in aad ka fiicantahay kuwa aad qabiilka ku eedeeyneeysid waayo adiga ayaaba qaladkoodoo kale galaya waayo cabdi bile hadii daarood ahaan loo diiday adna zam zam hawiye ahaan ayaad u diiday ee iska dhaaf waxaas gabar muslimad ah ayaad tahay yuusan sheedaan ku duufsan wadankaaga taageer dadka soomaaliyeedna yaanan kala soocin mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *