Safaarada Soomaaliya ee Kuwait oo xaflad sagootin ah u sameysay kooxda Somaliweek

By
Updated: October 31, 2011
2

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait oo xaflad sagootin ah u sameysay kooxda Somaliweek Diaspora iyo marti sharaftii la socotey. Waxaa magaalada madaxda dalka Kuwait ee Kuwait City loogu qabtey xaflad aad u weyn kooxda Somaliweek Diaspora oo booqasho 5 maalin ah ku joogtey dalkaasi.

Xaflada waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada Dalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kuwait uuna hogaaminayay Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheikh iyo Qunsulka Safaarada mudane Abiib ayna wehliyeen madaxda Jaaliyada iyo ururka ardeyda Soomaaliyeed.

Waxaa halkaasi laga tumey heeso wadani ah oo uu halkaasi si wadajir ah u qaadayeen fanaaniinta Soomaalida degan dalka Kuwait Al-Fanaan Maxamed Aden Isxaaq, Mustafe Piano,  Ahmed Kuwaiti Mohamud Aman iyo Fanaanka Qaranka Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad iyo Cabdoow Caramram, halka macalinka Kooxda Somaliweek Diaspora Macalin Dahir iyo kooxdiisa ay qaadeen hees aad loola dhaco.

Safiirka Mudane  Cabdulqaadir Amiin Sheikh ayaa ka jeediyay qudbad aad u soo jiidatey  dadkii Soomaaliyeed ee deganaa dalka Kuwait islamarkaana amaan u soo jeediyay kooxda Somaliweek Diaspora, isagoo ku tilmaamey Soomaalida cusub ee  mustaqbalka loo bahan yahey waxaad na tusteen wax ka duwan Soomaalidii aan aragney 20 sanadood ee la soo dhaafey sida aad iskugu xiran tihiin iyo wada socodka aad wada socotaan idinkoo ka fiyoow cudurka dadkeena ka reebay calamka farxad weyn bey noo tahey ka jaaliyad ahaan iyo kan safaarada ahaan, safarkiina wuxuu noo noqdey safar faraj islamarkaana wax badan ka badali doono mustaqbalka dadkeena waad mahadsan tihiin ku soo dhawaada Kuwait sanadkaan iyo sanado dambe insha allah.

Waxaa halkaasi ka hadley Gudoomiyaha Somaliweek iyo Maxamed Ismaaciil oo ahaa nin aad looga yaqaan dalkaan waxay ka mahadceliyeen sida Soomaalinimada leh ee loo soo dhaweeyay, run ahaantii waxaan idin ku abaal gudno ma naqaan oo aan ka aheyn inaan meel kasto aan tagno aan idinka sheegno wanaaga iyo kartidiina ayay yiraahdeen.

Madaxa Jaaliyada Soomaalida Kuwait mudane Maxamud Qumeyni ayaa isna ka hadley madasha xaflada islamarkaana mahadnaq u jeediyay marti sharafta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Kuwait.

Kabtanka Kooxda Somaliweek iyo Kabtanka Kooxda Jaaliyada Soomaalida Kuwait ayaa iyana halkaasi ka hadleen waxay sheegeen inay aad ugu farxeen isbarashada  labada kooxood waxayna sheegeen inay aad u jecleysteen isdhexgalka intii ay joogeen.

Safiirka ayaa halkaasi abaalmarino qurux badan ka gudoonsiiyay dhamaan marti sharafkii ka soo qayb galey xafladatan, 

W/D:Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

Dubai


Related posts:

Share/Bookmark

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>