Liverpool oo ku guuleysatay koobkii 150-aad ee FA Cup ka dib markii ay rigoorayaal kaga badisay Chelsea

Liverpool ayaa ku guuleysatay koobkii 150-aad ee Final-ka FA Cup-ka kaddib markii ay rigoorayaal kaga badisay Chelsea 120-daqiiqo kaddib.

Thomas Tuchel ayaa isbadal sameeyay ka hor inta uusan bilaaban ciyaarta iyadoo Romelu Lukaku laga doorbiday booska Kai Havertz ee Chelsea.

Dhanka kale Liverpool ayaa dooratay Luis Diaz oo booska 1-aad ku soo baxay halka Diogo Jota ay ka garab taagnaayeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-0 kadib waqtiga dheeriga ee lagu daray waxana leesla aaday gool ku laad.

Rigooradii loo dhigay Chelsea ayaa marka hore ka qasaariyay Cesar Azpilicueta laakiin Mane ayaa sidaas oo kale sameeyay.

Mason Mount ayaa qasaariyay mar kale waxana ka faa’ideestay Konstantinos Tsimikas oo dhaliyay rigoorada u danbeesay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*