Maxaa ku soo kordhay: Liverpool iyo Wararka Suuqa kala iibsiga Bisha June, Xiisaha Sergej ee kooxda iyo Qodob kale

ku soo dhawaada xubinta maxaa ku soo kordhay kooxdaada oo aan maanta ku soo qaadaneyno kooxda Liverpool iyo Wararka Suuqa kala iibsiga bisha June ee laga qoray.

Todobaadkan Xubinta Maxaa ku soo kordhay waxaa kaga hadleen kooxaha Horyaalka ingariiska kuwooda ugu waaweyn iyadoo shalay aan ku soo qaadaney Chelsea maanta waxaan eegeynaa Liverpool oo kaalinta 3aad ka gashay horyaalka.

Duje Caleta-Car. 

Sida laga soo xigtay wargeyska Express , Liverpool ayaa diyaar u ah inay dib u soo cusbooneysiiso xiisaha ay u qabto Duje Caleta-Car.

Daafaca dhexe ayaa diirada u saarnaa Liverpool laakiin Marseille ayaa diiday dalabyadooda.

Sergej Milinković-Savić.

Sida laga soo xigtay Il Messaggero , Liverpool ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato xidiga Lazio ee Sergej Milinković-Savić.

Jürgen Klopp ayaa baadi goob ugu jira badalka Gini Wijnaldum.

Harry Wilson

Sida laga soo xigtay wargeyska Express , Leeds United ayaa ka baxday baacsiga loogu jiro da ‘yarka Liverpool Harry Wilson. Reds ayaa ku qiimeysay £ 17m, taas oo ka badan inta ay Caddaanka diyaar u yihiin inay bixiyaan.

Florian Neuhaus

Liverpool ayaa wadahadalo kumeelgaar ah la yeelatay Borussia Monchengladbach si ay suurtogal ugu noqoto inay xagaaga u dhaqaaqaan Florian Neuhaus, sida ay sheegayaan wararka.

24 jirkaan khadka dhexe ayaa haatan isku diyaarinaya inuu matalo Jarmalka Euro 2020 , iyadoo kooxda Joachim Low ay dooneyso inay ka soo baxdo Group F oo ay ku jiraan France, Portugal iyo Hungary.

Raheem Sterling

Wariyaha Liverpool ee Liverpool Echo, Paul Gorst, ayaa ku tilmaamay isku xirkii u dambeeyay ee Reds iyo soo jiidasho xamaasad leh oo loogu talagalay Raheem Sterling inuu yahay ‘mid aan bilaaban. lakin waxa uu cadeyay soo laabashadiisa in ay tahay mid aanan dhici karin marka la eego wixii dhacay 2015 wixii ka danbeeyay markaasi oo xidiga uu ka tagay kooxda Reds.

Kingsley Coman

Liverpool ayaa xiiseyneysa saxiixa garabka Bayern Munich Kingsley Coman, sida laga soo xigtay Fichajes .

Reds waxay soo martay xilli ciyaareed adag oo 2020/21 ah, laakiin wali waxay ku guuleysatay inay soo afjarto kaalinta seddexaad,

Guud ahaan waa naga intaasi xubinta Maxaa ku soo kordhay Kooxdaada ee Ciyaaro.com kala socotaan maalin kasta qeybta Bari iyo Kooxda xigta ee Arsenal.

U gaar ah Warbixintan Ciyaaro.com

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*