Wararka Suuqa kala iibsiga: Jack Grealish oo ku biiraya Manchester City, Achraf Hakimi oo maanta dhameestiraya heshiiskiisa iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso xiddiga Lille Renato Sanches, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Felipe Anderson ayaa dib ugu laaban kara kooxda Lazio xagaagan, sida laga soo xigtay Sky Sport Italia .

Goolhayaha kooxda Roma Pau Lopez ayaa u muuqday mid diirada u saaran kooxda Barcelona, sida ay qortay Mundo Deportivo .

Xiddigaha reer Netherlands Donyell Malen iyo Denzel Dumfries ayaa qarka u saaran inay ka tagaan PSV xagaagan, kooxda ayaa qirtay sidaasi NOS ,

Manchester United ayaa xiriir la sameysay Eduardo Camavinga oo ka tirsan kooxda Rennes, sida laga soo xigtay RMC .

Achraf Hakimi ayaa dhameystiri doona ku biiristiisa PSG Isniinta maanta sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Aaron Ramsey ayaan dooneynin inuu ka tago Juventus, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Nuno Sequeira ayaa qandaraas cusub u saxiixay kooxda reer Portugal ee Braga, sida ay ku dhawaaqday kooxda .

Saul Niguez ayaa u sheegay Atletico Madrid inuu doonayo inuu ka tago kooxda. sida ay qortay AS 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Jack Grealish ayaa ugu biiri doona Man City heshiis 88 milyan ginni ah, Manchester City ayaa soo gaba gabeysay saxiixa Jack Grealish sida ay qortay Caught Offside

Manchester United ayaa qarka u saaran inay heshiis cusub oo seddex sano ah u soo bandhigto Jesse Lingard, sida laga soo xigtay Star .

Inter ayaa xiriir la sameysay wakiilka Hector Bellerin si ay ula wareegaan, Gianluca Di Marzio .

Manchester United ayaa abaabushay kulan ay la yeelaneyso wakiilada Eduardo Camavinga isbuuca soo socda – sida laga soo xigtay RMC Sport .

Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ayaa wali ah ciyaartoyda diirada u saaran Real Madrid xagaagan – sida ay qortay Marca .

Carlo Ancelotti ayaa si aad ah u doonaya inuu daafaca Manchester United Diogo Dalot keeno Real Madrid – sida laga soo xigtay  Correio da Manha .

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Denmark iyo kooxda Sampdoria ee Mikkel Damsgaard ayaa xiiso u qaba kooxda Milan – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*