Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Real Madrid oo iibineysa Eden Hazard, Kaio Jorge oo u dhaqaaqaya Ac Milan iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid Weeraryahankeeda Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in Kooxda ay ku dareyso Liiska Xidigaha laga iibinayo Kooxda. Sida ay qortay Marca

Xiddiga Real Madrid Vinicius Junior ayaan loo soo bandhigin Manchester United, ilo wareedyo ka tirsan kooxda ayaa xaqiijiyay  Goal .

Weeraryahanka Barcelona Martin Braithwaite ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Wolves, sida ay  qortay Sport .

Dayarka Santos Kaio Jorge ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Serie A-da Milan, sida ay qortay Gazzetta dello Sport .

Arsenal ayaa kala soo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe Albert Lokonga kooxda Anderlecht, iyagoo sidoo kale dhawaan la soo wareegay daafaca bidix Nuno Tavares oo ay kala soo wareegeen Benfica. Goal

Weeraryahanka Southampton Danny Ings ayaa sugaya dalabyada uga imanaya kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester United iyo City, sida uu sheegayo talkSPORT.

Joao Felix waa “lama taabtaanka Kooxda Atletico Madrid inkastoo ay jiraan Kooxo Xiiseenaya, sida ay qortay Marca .

Arsenal ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo daafaca midig ee Norwich Max Aarons, sida ay qortay The Mirror.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek ayaa dib ugu soo laabtay liiska shaqsiyadeed ee kooxda Barcelona, ​​sida ay qortay Mundo Deportivo.

Chelsea ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa weeraryahanka Stuttgart Sasa Kalajdzic, sida ay qortay The Athletic.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*