Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay daafaca dambeedka dhexe ee Sevilla Jules Kounde ka hor inta uusan u dhaqaaqin Stamford Bridge. Sida laga soo xigtay AS
Barcelona ayaa ku dhawaaqi doonta heshiis cusub Jordi Alba isbuuca soo socda, sida ay qortay Sport
Carlo Ancelotti ayaa sheegay inuusan ogeyn ama dan ka lahayn haddii Real Madrid ay la soo saxiixaneyso Kylian Mbappe. Goal
Manchester United ayaa wali ka shaqeneysa heshiiska cusub ee xidiga Bruno Fernandes. sida uu sheegay wariyaha Fabrizio Romano
Sida laga soo xigtay The Transer Window Podcast , Manchester United ayaa iska diiday dalabkii isdhaafsiga Aaron Ramsey-Nemanja Matic horaantii xagaaga.
Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay Massimiliano Allegri inuu “sii joogayo Juventus”, iyadoo xagaaga la isla dhexmarayo in xidigan uu ka tagayo kooxdiisa. Sportsmole
Manchester City ayaa dooneysa Ilaix Moriba – laakiin waa haddii ay si xor ah ku heli karaan xiddiga Barcelona, Mundo Deportivo .
Tababaraha Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqayoxiddiga qadka dhexeee Manchester United Paul Pogba ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.