Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Juventus oo dib u soo celineysa Paul Pogba, Chelsea oo ku biirtay Dagaalka Mattijs de Ligt, Xiisaha Bukayo Saka iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

InterLive ayaa ku warameysa in Alexis Sanchez uu mar kale diyaar u yahay inuu noqdo wakiil xor ah. InterLive

Juventus ma qorsheyneyso dalab ay Paul Pogba dib ugu soo celiso buugaagtooda, sida ay sheegtay TuttoMercatoWeb .

Chelsea iyo Barcelona ayaa qarka u saaran inay qeyb ka noqdaan dagaalka loogu jiro daafaca kooxda Juventus Mattijs de Ligt sanadka 2022, sida ay ku warameyso Fichajes.

Marseille ayaa xiiseeneysa xidiga kooxda Roma ee Steven Nzonzi kaasi oo aan ku jirin qorshaha Macalinka kooxda ee Jose.  sida laga soo xigtay Calcio Mercato

Manchester United ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Milan Franck Kessie bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Arsenal ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Club Brugge Noa Lang – sida laga soo xigtay Fichajes .

Juventus ayaa isha ku heysa garabka Arsenal Bukayo Saka – sida ay ku warameyso Calcio Mercato .

Marquinhos ayaa in muddo ah lala xiriirinayay Real Madrid, Fichajes ayaana sheegtay in Blancos ay weli dooneyso daafaca reer Brazil. Fichajes

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*