Jack Grealish oo noqday bartilmaameedka koowaad ee Manchester City

Photo Reuters

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xidiga Aston Villa Jack Grealish ka dhigatay bartilmaameedkooda suuqa kala iibsiga.

25 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Villa Park xagaagan, laakiin ugu danbeyntii wuxuu qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sano ah kooxda Aston Villa bishii September.

Grealish wuxuu qaab ciyaareed wacan kula jiray naadigiisa intii lagu gudajiray ololihii 2020-21, isagoo dhaliyay afar gool iyo lix caawin todobo kulan oo Premier League ah.

Sida laga soo xigtay Daily Star , kooxda Pep Guardiola ayaa la dhacsan horumarka weeraryahankaan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaana haatan noqday ‘diiradda ugu weyn ee City.’

Grealish, ayaa loo maleynayaa in kooxda Villa ku qiimeneyso lacag ka badan £ 70m, ayaa la rumeysnaa inuu bartilmaameed u ahaa Manchester United xagaagan ka dib markii uu si wacan u dhameystay xilli ciyaareedkii 2019-20.

Kubadsameeyahan ayaa caawiye ka ahaa kulankii England 3-0 kaga badisay Republic of Ireland habeenkii Khamiista.

Ciyaaro.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*