Kooxda Manchester United oo tartan adag kala kulmeysa Kooxaha Premier League Saxiixooda Braga David Carmo

Photo Reuters

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay tartan kala kulmeyso ugu yaraan 10 kooxood oo kale oo ku aadan saxiixa daafaca dhexe ee Braga David Carmo .

21 jirkaan ayaa noqday mid si wanaagsan ku bilowday dhanka daafaca sanadkii la soo dhaafay, waxaana uu durbaba sideed kulan u saftay kooxdiisa

Iyadoo la fahamsan yahay in daafaca dhexe uu yahay walwalka Ole Gunnar Solskjaer , Red Devils ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo da ‘yarkaan aadka loo qiimeeyo.

Sida laga soo xigtay The Athletic , dhowr kooxood oo Premier League ah – oo ay ku jirto mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee United xafiiltamaan – ayaa dhammaantood jecel Carmo waxayna diyaar u yihiin inay u dagaallamaan xidigan

Si kastaba ha noqotee, iyadoo Carmo uu qandaraas kula jiro Braga illaa 2025, kooxda reer Portugal ayaa awood u leh wadahadalada ka dib markii daafaca uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa usbuucii la soo dhaafay.

Carmo ayaa la fahamsan yahay inuu haysto qandaraaskiisa haatan lagu burburin karo 36 milyan ginni, laakiin United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay bixiso lacagtaas haddii uu sii wado bandhigiisa Braga.

Ciyaaro.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*