Manchester United iyo Arsenal oo weli xiiseynaya Ousmane Dembele

Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramaa in uu wali xiiso ka helayo kooxaha Man United iyo Arsenal isaga oo isku diyaarinaya in uu galo 18-ka bilood ee ugu dambaysay ee heshiiskiisa kooxda Barcelona .

Xiddiga reer France ayaa bartilmaameed u ah kooxda United  ka dib markii  ay weyday bartilmaameedkeedii koowaad Jadon Sancho .

Arsenal ayaa sidoo kale qayb ka ah loolanka loogu jiro xidiga, laakiin labada naadi ayaa la rumeysan yahay inay dib u dhigeen qiimaha weyn ay ku rabto Barcelona xidiga.

Barca ayaa bixisay lacag gaareysa 96.8m ee Borussia Dortmund sidaasne ku heshay Dembele bishii Ogosto 2017 waxayna ay aaminsan tahay in ay soo ceshaneyso lacagtaas oo dhan.

Warsidaha Isbaanishka ee Sport ayaa sheegaya in United iyo Arsenal ay suuragal tahay in ay dib u soo nooleeyaan xiisihii ay u qabeen, inkasta oo qiimaynta 23-jirka uu hoos u dhacay weyn ku yimaaday.

Barca ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay la xaajooto cid kasta oo dalab kasoo gudbisa xidiga, waxaana ku qasab ku ah in ay iibiso Dembele sababtoo ah heshiiska oo kula joogo ayaa dhamaanaa juun 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*