Xidig muhiim u ah kooxda Liverpool oo looga gacan haatinaa horyaalka Itaaliya

Xiddiga Liverpool ayaa diirada u saaran tahay kooxda reer Talyaani

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa waxaa xiiseynaya kooxda Inter, sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Saraakiisha Nerazzurri ayaa durbaba xiriir la sameeyay wakiilka si ay ugala hadlaan helitaanka ciyaaryahanka reer Holland ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wijnaldum qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, laakiin Liverpool ayaa dooneysa inay ku xirto qandaraas cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*