Kepa Arrizabalaga oo go,aan ku gaaray in oo iskaga tago kooxda Chelsea bisha Janaayo

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain Kepa Arrizabalaga ayaa diyaar u ah inuu aqbalo dhimis weyn oo lagu sameeyay mushaarkiisa £ 150,000-toddobaadkii isagoo doonaya inuu dib u soo nooleeyo mustaqbalkiisa goolhaye.

26 jirkaan ayaa xilli ciyaareed niyad jab leh ku qaatay xilli ciyaareedkii 2019/2020 ee kooxda Chelsea, waxaa oo soo bandhigay qaab ciyaareed liita oo hoos u dhigtay tayadiisa goolhaye ee kooxda Chelsea.

Macalinka Chelsea ayaa ku adkaystay in xidiga qaab ciyaareedkiisa soo noqon doona, waxa oo siiyey fursad oo isku muujin karay laakiin waxba iskama bedelin, goolhayihii hore Chelsea Cech ayaa kooxda kula taliyey in soo iibsato goolhaye cusub,

Edouard Mendy ayaa kusoo biiray kooxda Chelsea waxa oo la wareegay hogaanka goolhaye ee kooxda, waxa oo soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo ku qancay macalin Lampard, waxaa kursiga kaydka la dhigay Kepa.

Kepa waa goolhaya seddexaad ee xulka Spain waxaana ka horeeya Unai Simon iyo David de Gea, waxa mugdi ku jirin mustaqbalka xidiga bilaawgii imaanshaha Chelsea laakiin hoos dhaca ku yimaaday dartiis ayuu noqday dooqa liita ee xulkiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Kepa ayaa qirtay inuu u baahan yahay inuu ka tago Chelsea bisha Janaayo si uu dib ugu helo booskiisa La Roja, oo uu maamulo Luis Enrique.

Waxa uu diyaar u yahay inuu aqbalo mushahar dhimis weyn si uu ugu dhaqaaqo heshiis amaah ah wararka ayaana sheegaya in Valencia ay noqon karto kuwa ugu cad-cad ee la soo saxiixan kara. Sevilla ayaa sidoo kale isha ku heysa xaaladiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*