Tottenham iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa da,yarka reer Iceland ee Dominik Szoboszlai

Tottenham Hotspur ayaa qarka u saaran inay ka dulqaado kooxaha Arsenal iyo RB Leipzig oo doonaya ciyaaryahan Dominik Szoboszlai.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa loo arkaa mid ka mid ah dhalinyarada khadka dhexe ee ugu fiican Yurub, waxaana uu diiwaan galiyay shan gool iyo sagaal caawin 13 kulan uu u saftay Red Bull Salzburg xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, waxa oo sidoo kale cadeeyay inuu yahay laacib muhiim u ah qarankiisa wuxuuna dhawaanahanba haystay guul layaab leh oo kusoo bandhigay xulkiisa Iceland.

Sida laga soo xigtay Football.London, 20 jirkaan ayaa ka tagi kara Salzburg horaanta bisha Janaayo ka dib markii la ogaa inuu qandaraaskiisa lagu burburin karo 23 milyan ginni.

Arsenal iyo Leipzig ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn ugu loolamaya saxiixiisa, laakiin waxaa la sheegayaa in Spurs ay sidoo kale ku biirtay baacsiga ciyaaryahanka ka hor suuqa jiilaalka.

Spurs ayaa si qurux badan ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka iyaga oo kaliya hal dhibic ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee Leicester City. Waxaa lagu wadaa inay martigeliyaan Manchester City dhammaadka toddobaadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*