Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta Messi, Camavinga, Ramos, Alaba, James, Van Dijk, Wijnaldum

Manchester City ayay ka go’antahay inay lasoo saxeexato kabtanka Barcelona iyo Argentina ee Lionel Messi kaddib heshiiskii cusbaa ee uu Pep Guardiola u saxeexay. (Mirror)

Manchester United ayaa Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kula tartami doonta saxeexa khadka dhexe ee da’yarta ah ee Rennes ee Eduardo Camavinga. (Marca – in Spanish)

Liverpool daafaceeda Virgil Van Dijk ayay kor u kaceen fursada uu xilli ciyaareedkan ugu soo laaban karo garoomada kaddib markii uu bilaabay tababarka fudud. (Mail)

Real Madrid iyo Inter Milan ayaa kor u qaaday rajadooda saxeexa Georginio Wijnaldum oo heshiiskiisa Liverpool dhacaydo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tiro kooxaha Premier League kamid ah ayaa xiisaynaya saxeexa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos haddiiba uusan heshiis kordhin u samaynin kooxdaas. (90min)

Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxeexa David Alaba oo Bayern Munich ka tirsan haddii uu Ramos heshiis cusub saxeexo iyo haddii kaleba. (Marca)

Everton ayaa tix-gelinaysa inay u dhaqaaqo garabka Manchester United iyo xulka Wales ee Daniel James bisha January (Football Insider)

Weeraryahanka Chelsea ee Olivier Giroud ayaa tix-gelin doona dalabaadka uu helayo bisha January si uu u xaqiiqsado booskiisa xulka qaranka France ee Euro ee sanadka dambe. (Guardian)

Juventus khadkeeda dhexe ee ree Germany ee Sami Khedira ayaa u furan inuu u dhaqaaqo dhinaca horyaalka Premier League isagoo bar-tilmaameed u noqon kara Man United iyo Everton. (Sun)

Bilyaneerka ree Nigeria ee Orji Kalu ayaa doonaya inuu saami ka iibsado kooxda Arsenal isagoo doonaya inuu guulaha koobabka waaweyn dib ugu soo celiyo. (Mirror)

Weeraryahanka ree Norway iyo kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa doonaya inuu koobab kula guuleysto Borussia Dortmund kamana fikirayo inuu koox kale u dhaqaaqo sida uu sheegay aabihii Alf-Inge Haaland. (Sport1, via Goal)

AC Milan ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka kooxda Dynamo Kyiv ee Vladyslav Supriaha.(Calciomercato)

Juventus ayaanu ku jirin wax deg-deg ah oo ay ku bixin doonaan lacagta 31-ka Milyan ee Pound ah ee ay heshiiska Alvaro Morata oo amaah ugaga yimid Atletico Madrid joogto kaga dhigi karaan. (Goal)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*