Chelsea vs Newcastle oo wada ciyaari doona horyaalka Premier League iyo Timo Werner rikoor dhigi doona hadii oo goolal dhaliyo

Chelsea ayaa bari galab waxa booqan doontaa garoonka James’ Park ay ku ciyaarto kooxda Newcastle, waxa ku dagaalami doonaan seddex dhibcood ee horyaalka Premier League.

Kooxda Baluuga ah ayaa loo badinaa in dagaal adag kala kulanto kooxda Newcaste inkastoo dhanka naadiga ka dhalisan London kulamadii ugu dambyey wacdaro dhigtay, waxa ay kula jiraan kaalimaha 5 iyo 13.

Chelsea kulamadii dhamaan ay ciyaartay horyaalka waxaa laga badiyey hal kulan kasoo ay la badisay kooxda Liver halka ay bar-baro gashay 3 sidookale waxa ay badisay 4 kulan, waxaa horyaalka laga sareeyaa seddex dhibic oo kaliya.

FAALOOYIN KU QOTOMA XAQIIQADA KULANKA:

Kulamadii ugu dambeeyey Chelsea ka hor timaaday kooxda Newcastle waxa ay guul ka gaartay 4 jeer,

Kooxda Chelsea 7 kulan Premier Leagu ee ugu dambeeysay ay booqatay garoonka Newcastle hal guul kaliya ayey kusoo gaartay.

Goolhaye Mendy ayaa laga dhaliyey labo gool oo kaliya 8 kulan oo saftay Chelsea dhamaan tartamada.

Weryahanka Chelsea Timo Werner ayaa sameyn doona rikoor cusub hadii oo dhaliyo gool, waxa oo noqon doonaa laacibkii ugu horeeyey ee Chelsea oo 5 kulan xariir ah  dhaliya goolal dhamaan tartamada, waxaa horay rikoorkaas haystay D.drogba oo sameeyey November 2009.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*