Falaqeynta Kulanka Man United vs West Brom ee Horyaalka Premier League

Manchester United ayaa raadinaysa guusheedii koowaad ee garoonkeeda  ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, waxaanay Sabtida maanta mar kale u dagaallami doontaa sidii ay iskugu dayi lahayd inay West Brom noqoto kooxda ugu horreysa ee ay kaga badinayaan Old Trafford.

Red Devils ayaa xili ciyaareedkan mugdi ku gashay garoonkeeda, waxaanay Old Trafford ka heshay hal dhibic oo kaliya oo ka mid ah tobanka dhibcood ee ay haystaan, laakiin West Brom ayaa iyaduna dhibaatoonaysa, waxaanay halis ugu jirtaa inay heerka labaad u degto maadaama aanay xili ciyaareedka illaa hadda wax guul ah ka helin kulamadii garoonkeeda iyo kuwii martida intaba.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo culayskii saarnaa iskaga dejiyey guushii uu ka keenay kulankii Everton ee 3-1 ay ku garaaceen ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, waxa uu dagaal adag u mari doonaa sidii uu mar kale ugu celin lahaa libintaas.

Laakiin ciyaartoyda Red Devils oo u muuqda kuwo aan la saadaalin karin oo maalin ba qaab lama filaan ah la imanayay xili ciyaareedka illaa hadda, ayaa waxay laba guul-darro iyo ciyaar liidata oo ay kusoo bandhigeen Arsenal iyo Istanbul Basaksehir, waxay kaga soo kabteen guushii Everton, balse waxa ka horreeyey laba guulood oo ay ka keeneen kulamadii PSG iyo RB Leipzig, halka ay barbarro ku kala baxeen Chelsea.

Xogaha laga  diiwaangeliyey Manchester United xili ciyaareedkan ayaa ah kuwo argagax leh, waxaanay 12 dhibcood oo suurtogal ahaa ay ka keeneen mid kaliya, taas oo ah aan looga fadhiyin.

Arrinta kale ee walaaca leh ayaa waxay tahay in xili ciyaareedkan ay Manchester United tahay kooxda goolashii ugu badnaa lagaga dhaliyey garoonkeeda, sidoo kalena saddex kulan laga badiyey. Taas beddelkeeda, xili ciyaareedyadii 2013-14 & 2001-02 min hal kulan oo kaliya lagaga badiyey Old Trafford.

Haddii maanta laga badiyo amaba ay barbarro keento, Manchester United waxay u noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay shantii ciyaarood ee ugu horreeyey ku badin kari weydo garoonkeeda Old Trafford tan iyo xili ciyaareedkii 1972-73kii, waxaanay xataa kasii xumaan doontaa rikoodhkii guulo la’aanta e eugu dheeraa gurigeeda ee March 1978kii.

Dhinaca kale, kooxda West Brom ayaa durba lagu daray liiska kooxaha la saadaalinayo inay dib ugu noqon doonaan heerka labaad, waxaanay awoodi waayeen inay wax guul ah ka helaan dhamaan siddeeddii ciyaarood ee horyaalka ee xili ciyaareedkan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs West Brom

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 11pm

Garoonka: Old Trafford

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Manchester United ayaa ka cabanayso dhaawacyo ciyaarteeda afka hore ah, gaar ahaan Marcus Rashford oo kulankii Everton wax ku noqday, balse waxa uu dib ugu soo laabtay tababarka Jimcihii shalay. Anthony Martial ayaa isagana waxyeello kasoo gaadhay dhabarka kulankii xulka qaranka France ee ugu dambeeyey, waxaana la qiimayn doonaa xaaladdiisa ka hor inta aan la go’aamin in la ciyaarsiiyo.

Marson Greenwood oo calaamadu su’aal ka taagan tahay taam ahaanshihiisa jidheed iyo qaabkii fiicnayn ee uu u ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey ayaan la hubin haddii uu taam yahay oo uu ciyaari doono.

Laakiin Edinson Cavani oo xulka qaranka Uruguay u ciyaaray kulankii Brazil isla markaana kaadh cas la siiyey ayaa Khamiistiiba iska soo xaadiriyey tababarka United.

Harry Maguire ayay isagana jug kasoo gaadhay kulankii Iceland iyo England ee Arbacadii, isagoo tababarkana seegay maalintii xigtay laakiin waxa la sheegayaa in aanay jirin wax dhibaato ahi. Victor Lindelof ayaa isaguna xanuun dareemay xilli uu la socday xulka qarankiisa.

Luke Shaw ayaa gebi ahaanba kulankan ku seegaya dhaawac muruqa ah, Eric Bailly ayaa isagana shaki ku jiraa mustaqbalkiisa balse waxa xanuunka Korona kasoo bogsaday Alex Telles oo kusoo bilaaban doona difaaca bidix.

Dhinaca kale, West Brom ayaa soo dhoweyn doonta dersin ciyaartoygeeda ah oo kasoo bogsaday Korona Fayras, sida Branislav Ivanovic, Matheus Pereira iyo Callum Robinson.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles; McTominay, Fred; Mata, Fernandes, Rashford; Martial

West Bromwich Albion: Johnstone; Furling, Ivanovic, Bartley, O’Shea, Townsend; Gallagher, Livermore, Krovinovic; Pereira, Grant

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*