Isco oo doonaya in oo iskaga tago kooxda Real Madrid iyo kooxo dalabyo adag kasoo gudbiyey

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay kooxda ka dhisan La Liga inuu doonayo inuu ka tago kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo shaxdii ugu horreysay ee Zinedine Zidane dhawaanahan wuxuuna kusoo bilaabay kaliya seddex ka mid ah toddobadii kulan ee ay Real ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Isco ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League xagaaygii hore  gaar ahaan kooxda Everton iyadoo la hadal hayo inuu la midoobi doono Carlo Ancelotti  inkastoo tababaraha Toffees uu tan iyo markaas beeniyay wararkaas.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Marca , Isco ayaa ku taagan hal cag, waxaa oo doonayaa in laga furo albaabka Bernabeu ka dib markii uu ka dhawaajiyay in oo doonayo inuu ka tago kooxda, sida ay sheegeeb aabihiis iyo wakiilkiisa Francisco Alarcon  dhanka kale  Real diyaar uma ahan in ay joojiso xidiga.

Isco wali laba sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Bernabeu, lakiin booskiisa xulka Spain ee Euros ayaa qatar ku jira, 28 jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo meel kale isagoo raadinaya boos joogta ah.

Kooxaha Juventus , Manchester City iyo Arsenal ayaa dhamaantood ayaa xiiso weyn u qaba lasoo wareegida Isco, kaasoo dhaliyay 51 gool 313 kulan uu u ciyaaray Madrid tan iyo markii uu ka yimid Malaga sanadkii 2013.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*