Zinedine Zidane oo ku adkeesanaya in uusan iib aheyn Raphael Varane

Photo Reuters

Tababaraha kooxda Real Madrid  Zinedine Zidane ayaa ku tilmaamay Raphael Varane uusan iib aheyn xili Manchester United ay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in United ay isku diyaarineyso inay la xiriirto ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo kaliya ay ka hartay 18 bilood oo qandaraaskiisa Bernabeu ah.

Sikastaba, Zidane ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in ku guuleystaha Koobka Aduunka loo ogolaan karo inuu ka tago Los Blancos mustaqbalka dhow.

Ma ahan aniga oo kaliya [yaa doonaya inuu sii haysto], ayuu Zidane u sheegay suxufiyiinta. “Wuxuu ka mid yahay kooxdan, aad ayaan u nasiib badneyn inaan awoodno inaan keenno Madrid.

Waxa uu leeyahay xirfad weyn, wax badan ayuu qabtay tan iyo intii uu halkaan joogay.

“Taasi waa mid cad oo aan mugdi ku jirin. Hada kama joojin karno dadka inay hadlaan. Kama hadlayo kaliya Varane, laakiin waxay ka hadlayaan dhamaan ciyaartoyda, Real Madrid iyo kuwa kale. Laakiin Varane, mowqifkeygu wuu cad yahay, 

27 jirkaan ayaa 329 kulan u saftay Madrid tan iyo markii uu ka yimid Lens sanadkii 2011, isagoo kula guuleystay seddex La Liga iyo afar Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*