Guul-daradii soo gaartay Barcelona Xalay oo Dhacdooyin Cusub laga diiwaangaliyay

Barcelona ku jirta xaaladdii ugu xumayd muddo 25 sannadood, waxaana ay mar kale guul-darro kasoo hoysay kulankii ay martida ugu ahayd Atletico Madrid.

Tababare Ronald Koeman ayaa soo qaban kari la’ kooxdiisa, isla markaana jidka guusha kusoo celin kari la’, waxaanay guul-darradii Atletico Madrid usoo xambaarisay ay sii xoqday nabarrada daawadooda ay kooxdu wali la’ dahay ee xili ciyaareedkii hore soo bilowday, illaa haddana kasii xumaanaya.

Barcelona ayaa 11 dhibcood oo kaliya ka heshay 24 dhibcood oo suurtogal ahaa, waxaanay taasi caddaynaysaa inay ku jiraan marxalad aan la saadaalin karin. Illaa hadda waxay guuleysteen saddex ciyaarood, laba ayay barbarro galeen, saddexna waa laga badiyey siddeedii ciyaarood ee illaa hadda horyaalka LaLiga ay ciyaareen, taas oo xilli horeba ka saaraysa liiska kooxaha loo saadaalinayo inay horyaalka hanan doonaan.

Kooxda reer Catalonia may lumin dhibco sidan u badan kulamadii ugu horreeyey waqti dheer, waxaana natiijada xalay ay keentay in lagu qoro diiwaanka madow.

Xilli ciyaareedkii 1995-96kii ayaa ugu dambaysay in Barcelona ay lumiso 13 dhibcood siddeedda ciyaarood ee ugu horreeya horyaalka, mana dhicin intii ka dambaysay inay natiijooyin noocan oo kale ah ka keenaan Laliga.

Si la mid ah, xili ciyaareedyadii 2002/03 iyo 2003/04 ayay Barcelona ku bilaabatay qaab xun. Balse waxay labadan jeer ku dhaameen inay hal dhibic ka sarreeyeen inta ay waqtigan haystaan. Saddex badis ah, saddex barbarro ah iyo laba laga badiyey ayaa labadan sannadood ee isku xigay diiwaanka loo geliyey siddeeddii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Xili ciyaareedkii 2000-01 ayay isaguna bilowgiisu ku ahaa mid dhibaato badan, waxaana waqtigaas laga badiyey saddex ciyaarood siddeeddii kulan ee ugu horreeyey balse waxay ku roonaayeen inay afar xidhiidh ah badiyeen, mid kalena barbarro ka dhigeen, sidaana ay ku haysteen 13 dhibcood, taas oo ah meel ay xataa waqtigan lagu jiro kasii fiicnaayeen.

Tababare Ronald Koeman ayaa illaa hadda sharrixi kari la’ halka ay dhibaatada kooxdiisu ka timid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*