Man United oo dooneysa in ay dib ugu soo celisa Eriksen horyaalka Premier League iyo dhowr koox oo kula tartamaa.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramaa in dooneyso lasoo wareegida xidiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan Christian Eriksen, laacibka ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxda Tottenham.

Xiddiga reer Denmark ayaa inta badan ku dhibtooday inuu soo jiito kooxda Antonio Conte tan iyo markii uu ka yimid Tottenham Hotspur bilowgii sannadka 2020.

28 jirkaan ayaan dhalin wax gool ah ama diiwaan gashan 7 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, halka uu kaliya dhaliyay afar gool iyo seddex caawin 33 kulan oo uu u saftay Inter tan iyo markii uu yimid.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in United ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo xidiga, kaasoo lagu heli karo lacag dhan £ 18m .

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , waxaa jira xiiso dhab ah oo ka imanaya kooxda  20-ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska, halka Chelsea sidoo kale la rumeysan yahay in ay si dhow ula socoto xaalada xidiga oo ay rabto in keento London markale.

Eriksen wuxuu dhaliyay 69 gool wuxuuna diiwaan galiyay 89 caawin 305 kulan oo uu u saftay Spurs intii uu joogay England ka hor inta uusan raadsan u dhaqaaqin horyaalka Itaaliya.

Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa sidoo kale dhawaan loo aqoonsaday inay xiiseynayaan xidiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*