
Tababaraha cusub ee kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u xiiseynayo weeraryahanka Manchester City Aguero.
Mauricio Pochettino muhiimadiisa suuqa kala iibsiga ee PSG ayaa ah inuu lasoo saxiixdo Sergio Aguero xagaagan, sida laga soo xigtay wakiilka kubada cagta Bruno Satin.
Satin ayaa u sheegay Canal + in tababaraha cusub ee Paris uu mudnaanta siinayo u dhaqaaqista weeraryahanka Manchester City si uu ugu xil saaro safka hore ee xiddigaha weerarka ka ciyaara.
Iyadoo Neymar iyo Kylian Mbappe ay si joogta ah iga ciyaaraan meelo kale, waxayna lasoo wareegida xidigan sare u qaadi laheyd weerarka PSG iyo awooda xiddigooda.
Be the first to comment