Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Liverpool oo ku biirtay Xiisaha Alaba iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay David Alaba heshiis 9 milyan ginni sanadkii ah iyadoo kooxda heysata horyaalka Ingariiska ay dooneyso inay ku guuleysato tartanka daafaca Bayern Munich . (Saxafiga Romeo Agresti 

Omar Rekik ayaa u muuqda inuu qarka u saaran yahay inuu u wareego garoonka Emriates waxana Maamulka Arsenal la filayaa in ay ku dhawaaqaan Saxiixiisa. (Mirror)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u muuqato inaysan u dhaqaaqi doonin bisha Janaayo xidiga West Ham United ee Declan Rice , waxaana laga yaabaa inay gebi ahaanba ka baxaan xiisaha ay u qabaan ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England. (Athletic)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab 36 milyan ginni ah ka gudbiso Real Madrid daafaca aan booska ka helin ee Eder Militao. (Marca)

Kooxda Napoli ayaa wadahadalo la furatay kooxda chelsea si ay heshiis joogto ah uga hesho Tiemoue Bakayoko inkasta oo ay kaliya amaah kula soo wareegtay bishii hore. (Corriere dello Spor)

Weeraryahanka Arsenal Willian, oo ku soo biiray Gunners xagaagii la soo dhaafay, ayaa u soo muuqday bartilmaameedka xagaaga ee kooxda Real Betis, sida lagu sheegay warbixin dhawaan laga soo xigtay El Gol Digital. (Ligafinancial)

Wakiilka Emerson Palmieri ayaa ka dhawaajiyay in Chelsea aysan u ogolaan doonin xidgan inuu amaah kaga tago garoonka Stamford Bridge marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (FCInterNews.)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay 8 milyan oo ginni ugu dhaqaaqdo daafaca dhexe ee kooxda Olympiakos Ruben Semedo iyadoo isku dayaysa inay iska yareyso dhibaatada dhanka daafaca ah. (Sic Noticias )

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Agusti Benedito ayaa qirtay in Lionel Messi ay u badan tahay inuu ka tagi doono kooxda marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaaga. (ESPN)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*