Falanqeynta Kulanka Arsenal Vs Newcastle United ee FA Cup-ka

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan Wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona Emirates.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay horyaalka premier League iyaga oo guulmo muhiim ah gaadhay.

Kulanka Arsenal Vs Newcastle United

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Emirates Staduim

Kooxda Mikel Arteta oo bilaaban doona difaacashada koobka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen ayaa isha ku haya in ay guul ku bilowdaan.

Dhanka kale Newcastle ayaa rajaynaysa in ay ka yaabsato kooxda difaacanaysa tartanka kuna reebto wareega 3-aad ee FA Cup-ka.

Dhacdooyinka labada Kooxood laga diiwaangaliyay

Kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Newcastle 3-dii kulan ee FA Cup-ka, Arsenal ayaa badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tartanka ka hor tagtay Newcastle.

Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxda Newcastle United kooxda Arsenal kula ciyaartay garoonkeeda Emirates Staduim ayaa ku dhamaadya 3/0.

Arsenal ayaa kaliya hal mar looga reebay wareega 3-aad ee FA Cup-ka 24-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxana ay ahayd kulan ay guuldaro kala kulantay kooxda Notttenham Forest.

Newcastle United ayaa tartanka FA Cup-ka laga reebay 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tageen kooxaha premier League ka ciyaara.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*