
Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Granada kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Los Carmenes kana tirsan todobaadkii 19-aad ee Horyaalka.
Barcelona oo uu muuqata kuwo helay kalsoonidooda iyo qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul muhiim ah.
Kulanka Granada Vs Barcelona
Tartanka Laliga
Wakhtiga: 8:30
Garoonka: Los Carmenes
Dhanka kale kooxda Granada ayaa kulanka soo galaysa in ay qabtaan kooxda Barcelona kadib markii laga badiyay kulankii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka.
Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood
Granada ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Barcelona iyada guushii ugu dambaysay ee ay ka gaadhay Barcelona dhacay 2019 markaas oo ay 2/0 uga badiyeen kulan ka dhacay garoonka Los Carmenes.
Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay booqashadii ugu dambaysay ee ay booqatay Granada bishii September ee 2019 laakiin guuldaro kalama kulmin Granada laba kulan oo xidhiidh ah tan ilaa bishii March 1970.
Kooxda Barcelona ayaa guuldaro la kulantay laba ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay kooxaha ka dhisan gobolka Andaluia horyaalka La Liga.
Barcelona yaa badisay 3 kulan oo xidhiidh ah horyaalka La Liga iyaga oo marti ah markii ugu horaysay intii uu Ronald Koeman tababaraka u noqday kooxda.
Be the first to comment