Falanqeynta Kulanka Osasuna Vs Real Madrid ee Horyaalka Spain Laliga

Kooxda Real Madrid ayaa marti unoqon doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka El Sadar.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba kaliya hal kulan bar-baro galay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulanka Osasuna Vs Real Madrid

Tartanka Laliga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: El Sadar.

Dhanka kale kooxda Osasuna ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun iyaga oo ku jira kaalinta 19-aad waliba aan wax guul ah gaadhn 5-tii kulan e ugu dambeeyay.

Dhacdooyinka dhexmaray Labada Kooxood 

Osasuna ayaa laga badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Liga la ciyaartay kooxda Real Madrid iyaga oo rikoodhka guuldarooyinka ugu badan ku leh isla Real Madrid.

Garoonkeeda Kooxda Osasuna ayaan guul gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay garoonka La Liga iyaga oo laba guuldaro iyo laba bar-baro galay.

Real Madrid ayaan laga badin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo 6 kulan badiyay halka ay bar-baro galeen hal kulan.

Osasuna ayaan ku badin garoonkeeda 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay waana rikoodhkii ugu xumaa ee ay ku leedahay garoonkeeda tan ilaa 2017.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*