Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Messi oo Neymar la wadaagay Mustaqbalkiisa, Aguero oo PSG laga doonayo iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Tabaraha Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo Xidiga  Manchester City  Sergio Aguero waliba beeca xorta ah.

sida uu sheegayo saxafiga reer Brazil Thiago Asmar , Messi wuxuu ku wargaliyay saaxiibkiisii ​​hore ee Barcelona Neymar inuu doonayo inuu u dhaqaaqo PSG. (Thiago Asmar)

Xiddiga kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa muujiyay hamigiisa ah in uu guul gaadho wakhtigiisii ​​Emirates laakiin waxa uu sheegay in hamigiisa ugu dambeeya ee uu doonayo uu yahay in uu mar kale xirto midabada Real Madrid isla markaana uu isku muujiyo tababare Zinedine Zidane ka dib wadahadaladii ay wada galeen. (Cadeba Ser radio)

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay inuu doonayo Red Devils inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish xagaagan suuqa kala iibsiga iyadoo aan loo eegin haddii Paul Pogba uu ka tagayo Old Trafford. (Channel 5)

Xiddiga Norwich City Emiliano Buendia ayaa soo dhaweeyay xiisaha Mikel Arteta ee Arsenal, waxaana uu doonayaa inuu u dhaqaaqo Emirates bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. (CBS)

Chelsea ayaa laga yaabaa inaysan waddo cad u marin khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice, iyadoo Liverpool iyo Manchester United ay labaduba soo galeen ugaarsiga ay kula wareegayaan saxiixa ciyaaryahanka reer England.(Mirror)

Ugaarsiga Liverpool ee daafac dhexe ee cusub oo bishaan soo qaadato ayaa kooxda u kaxeyn kara Dalka Portugal iyo Kooxda Braga gaar ahaan David Carmo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. (90min)

Daafaca dhexe ee Manchester United Marcos Rojo ayaa bilaabay wadahadalo uu ugu dhaqaaqayo Boca Juniors ee dalkiisa hooyo ee Argentina, inkasta oo heshiiska la soo wariyay weli la dhameystirin. (Sporting Sp)

Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee lala xiriiriyo Arsenal Julian Brandt marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo inkastoo kooxda waqooyiga London ay ku dhibtoon doonto inay diyaariso lacagta kaashka ah ee loo baahan yahay. (Football.London)

Manchester United iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool ayaa xiiseynaya inay Ismaila Sarr ka helaan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Ligafinancial)

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u maleyneyso in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ‘wax walba ay bixin laheyd’ si ay u helaan Kylian Mbappe.(catalnsport)

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Merih Demiral suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday (Fanatik ).

Kingsley Coman ayaa soo dhoweeyay wararka la xiriirinaya inuu u wareegayo Manchester United laakiin wuxuu ku adkeysanayaa inuu ku qanacsan yahay Bayern Munich, haatan. (Bild)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*