Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Aguero, Ozil, Brandt, Militao, Winks, Trippier

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Saaka waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo inta u dhaxeysa 10:00 am ilaa 12:00 pm oo ah labo saacadood gudahood.

Tababaraha Paris St-Germain Mauricio Pochettino ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero si bilaash ah xagaaga marka uu 32 jirkaan qandaraaska uu kula joogo Manchester City dhamaado. (Mirror)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil ayaa wadahadalo kula jira inuu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda reer Turkey ee Fenerbahce inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha noqotee, Gunners ayaa sheegtay inaysan dooneynin inay bixiso qayb ka mid ah mushaharkiisa £ 350,000-toddobaadkii haddii u dhaqaaqdo. (The Guadian)

Gunners ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inay dalab ka gudbineyso 24 jirka garabka uga ciyaara Borussia Dortmund Julian Brandt bishaan, iyadoo kooxda ka ciyaarta Bundesliga ay dooneyso inay iska iibiso xiddiga Jarmalka. (Bild)

Tottenham ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Real Madrid iyo Brazil Eder Militao, oo 22 jir ah (MundoDeportivo )

Daafaca Atletico Madrid Kieran Trippier, oo 30 jir ah, ayaa aad u xiiseynayey inuu bisha Janaayo u dhaqaaqo Manchester United, lakiin waxaa macquul ah inuu u dhaqaaqo daafaca midig ee Ingariiska oo 10 bilood la ganaaxay sababo la xiriira inuu jabiyay sharciyada qamaarka. (Talksport)

Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in goolhaye Sergio Romero, oo 33 jir ah, iyo daafaca 30 jirka ah Marcos Rojo, oo labaduba reer Argentina ah ay ka tagi karaan kooxda bishaan. (Manchester Evening News)

Everton ayaan kala hadleynin kooxda reer Talyaani ee Roma iibinta 28 jirka qadka dhexe reer Brazil Bernard, ayuu yiri maamulaha Toffees Carlo Ancelotti. (Liverpool Echo)

Laakiin Ancelotti ayaa u furan inuu ka iibiyo Paris St-Germain weeraryahanka reer Talyaani Moise Kean haddii kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay dooneyso inay heshiis amaah ah oo 20 jir ah u bedesho heshiis joogto ah. (The Guadian)

Daafaca bidix ee Manchester United Brandon Williams ayaa jeclaan lahaa inuu amaah ugu dhaqaaqo koox kale oo Premier League ah, iyadoo Newcastle United iyo Southampton lala xiriirinayay 20 jirka reer England. (Manchester Evening News)

Bayern Munich ayaa ku dhow inay si bilaash ah kula soo saxiixato daafaca bidix ee kooxda Reading Omar Richards markii 22 jirkaan reer England qandaraaska uu kula joogo kooxda heerka labaad uu dhacayo xagaaga. (Sky Sports)

Weeraryahanka Napoli iyo Poland Arkadiusz Milik, oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga hadana aan u ciyaarin kooxda Serie A xilli ciyaareedkan, ayaa waxaa doonaya kooxaha ugu fiican Premier League, sida uu  yiri wakiilka 26 jirkaan. (Thesun)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*