Arsenal oo waqtiga dheeraadka guul ka gaartay Newcastale United Koobka FA-cup-ka

Kooxda Arsenal oo la ciyaartay Newcastle United kulan ka tirsan Koobka FA-cupka oo ka dhacay garoonkeeda ayaa ka gaartay guul muhiim ah taasi oo timaaday waqtiga dheeraadka ee lagu daray ciyaarta-

Labada kooxood ayaa 90-daqiiqo ku dhameestay goolal la’an lakin sida sharciga waxaa lagu daray waqti dheeri ah Arsenal ayaana u suura gashay in ciyaarta wax ka badasho daqiiqadii 109-aad ee ciyaarta waxana hogaanka u dhiibay Emile Smith-Rowe oo caawin ka helay Alexandre Lacazette ka hor inta uusan goolka labaad dhalin Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 117-aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaana ku soo dhamaaday 2 iyo 0.

Arsenal ayaana u suura gashay in ay iska xaadiriso wareega 4-aad ee Koobka FA-cupka kadib guusha ay ka gaareen Newcastle United-

Gunners ayaana kulankeeda xiga waxay la ciyaaridoonta kooxda crystal palace kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska halka Newcastale ay kulankeeda xiga la ciyaaridoonto kooxda sheffield united

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*