Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Liverpool oo mudnaan siinin Heshiiska Salah, iyo Qodobo kale oo Xiiso leh

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta 20:00 pm ilaa 22:00 pm Waqtiga Somaliya.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inaysan u arkin saxiixa Mohamed Salah iyo qandaraaskiisa cusub mid aanan mudnaan deg deg ah laheyn.( Fabrizio Romano )

Tababaraha Southampton Ralph Hasenhuttl ayaa ah dooq ay Chelsea diyaar u tahay inay tixgeliso, sida ay qortay (Daily Mail.)

Daafaca midig ee Bryan Reynolds ayaa amaah ugu biiraya Benevento ka hor inta uusan u wareegin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus. (Sky Sport Italia: “)

Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay amaah ku siisay daafaca dhexe ee Faransiiska William Saliba kooxda Nice. (Ligafinancial)

Chelsea ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro daafaca RB Leipzig Dayot Upamecano, sida ay qortay dialymail (Daily Mail).

Manchester United ayaan sarre u qaadi doonin xiisaha ay u qabto Moise Caicedo, sida uu sheegayo Sky Sports , laakiin Brighton ayaa weli isha ku heysa. (Skysports)

Eric Garcia ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago Manchester City, waxaana sidoo kale diirada u saaran Barcelona. (Dailmail)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku kalsoon tahay inay la soo saxiixaneyso garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. (90min)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la furtay Mesut Ozil oo ku aadan suurtogalnimada inay iibsadaan inta ka dhiman qandaraaska weeraryahanka. (TRTsport)

Dalabyada mushaharka badan ee Diego Costa ayaa lagu soo waramayaa inay dhibaato ku tahay soo laabashada xidigan ee Premier League. (Mirror)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*