Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Neymar oo Heshiis cusub miiska loo saaray iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta 20:00 pm ilaa 22:00 pm Waqtiga Somaliya.

Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran inay miiska u saarto heshiis kordhinta Neymar – sida laga soo xigtay (Telefoot).

Atletico Madrid ay heshiis la gaadhay Moussa Dembele oo ay amaah kaga soo qaadaneyso kooxda Lyon , iyada oo ay ku heli karto million 33 million (£ 30m / $ 40m) oo ay ku iibsan karto heshiiska ugu dambeeya. (Goal)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Valencia Maxi Gomez inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ka hor suuqa jiilaalka. (Themirror)

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u gacan galiso Jamal Musiala qandaraas cusub oo qaali ah kaas oo u arka inuu mushaar ahaan u qaadan doono 100 kun ginni isbuucii si uu uga ilaaliyo xiisaha Man Utd iyo Liverpool. (Dailymail)

Kooxda reer London ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la soo sameysay Strasbourg si ay ugu soo wareejiso Mohamed Simakan, iyadoo tababaraha Ingariiska uu suuqa ka raadinayo bedelka Thiago Silva muddada dheer. (Media)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxo dhowr ah oo xiiseynaya inay la soo wareegaan weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee Arsenal Folarin Balogun. (Ligafinancial)

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca West Ham United Issa Diop, sida lagu sheegay warbixin dhowaan ay soo saartay (ExWHUemployee).

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay dhageysato dalabyada labadaba Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri inta lagu jiro bishaan Janaayo. (Goal)

Manchester United ayaa u muuqata inay diyaar u tahay inay dib ugu laabato saxiixa ciyaaryahanka kooxda Inter Milan Ivan Perisic sida lagu sheegay warbixin dhawaan kasoo baxday jariirada Talyaaniga ka soo baxda ee Corriere dello Sport. (Corriere dello Sport)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay hesho adeega xiddiga khadka dhexe ee Istanbul Basaksehir Berkay Ozcan. (Transfermarkt)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*