Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Erling Haaland, Sergio Ramos, Declan Rice, Mohamed Simakan

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta 20:00 pm ilaa 22:00 pm Waqtiga Somaliya.

Jorge Valdano ayaa sheegay in Sergio Ramos uu u saxiixi doono heshiis kordhin kooxda Real Madrid , iyadoo Blancos laga sugayo inay sameyso wax walba oo ay kaga hortagi karto bixitaanka xidigan. (Goal)

Owen ayaa u sheegay Stadium Astro in xidiga Erling Haaland uu yahay xidiga kaliya oo buuxin karo booska Numkerka 9-aad ee Kooxda Manchester United (Stadium Astro)

David Beckham kooxdiisa Inter Miami  ayaa , wadahadalo ku saabsan heshiis kula jirta goolhayaha Everton Jonas Lossl. Sida laga soo xigtay (Miami Herald) ,

James ayaa sheegay in Xidiga Aguaro loo ogolaado PSG, madama hada aysan kooxda Manchester City aysan ku tiirsaneyn (Stadium Astro)

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka Manchester United Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa inuu amaah ku doonayo kooxda weyn ee Serie A, Inter Milan. (TheMirror)

Burburiyaha khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo Manchester United inkastoo ay jiraan warar ku saabsan suuqa kala iibsiga. (TheMirror)

Mikel Arteta ayaa qirtay in kooxdiisa ay u baahantahay Goolhaye Cusub oo diirada saareyso xiligan suuqa kala iibsiga (Goal)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso mustaqbalka daafaca aadka loo qiimeeyo ee Strasbourg Mohamed Simakan. (Telefoot)

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay kula dagaallanto Paris Saint-Germain saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brest Romain Faivre. (Le10Sport)

 

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*