Wararka Xanta Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Saaka: Tierney, Faivre, Anderson, Barkley, Brahim, Fernandinho

Photo/Ciyaaro.com

Ku soo dhawaada Wargeysyada Yurub iyo Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee Saaka waxyaabaha ay Qoreen Waxaa soo diyaariyay Bahda Ciyaaro.com

La Soco Malin walbo inta u dhaxeysa 10:00 am ilaa 12:00 pm oo ah labo saacadood gudahood.

Napoli ayaa ka dhigeysa xidiga Arsenal iyo Scotland daafaca Kieran Tierney bartilmaameed muddo dheer ka dib markii uu seegay on 23-sano jir ah bilowgii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. (Telegraph)

Manchester United ayaa qarka u saran inay Paris St-Germain kula tartanto 22 jirka Brest iyo khadka dhexe ee France Under-21 Romain Faivre. (thesun)

Everton ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 27 jirka qadka dhexe ee reer Brazil Felipe Anderson, kaasoo amaah kula jooga Porto kana tagaya West Ham United. (Teamtalk)

Chelsea ayaan dooneynin inay u ogolaato ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Ross Barkley inuu ku biiro Aston Villa – halkaasoo uu ku joogo amaah hal xilli ciyaareed ah – qiimo jaban, iyadoo 27 jirkaan uu weli heysto labo sano iyo bar qandaraaskiisa. (Birmingham Mail)

Newcastle United ayaa weli hamineysa suurtagalnimada in Chelsea xidigeeda 23-sano jirka daafaca Fikayo Tomori, kaasoo qarka u saaran inuu ku baxo heshiis amaah ah bishaan. (Chroniclelive)

Si kastaba ha noqotee, Magpies ayaa ka quustay isku day ay kula soo saxiixatay daafaca bidix ee reer England Manchester United Brandon Williams, oo 20 jir ah (Northern Echo)

Weeraryahanka reer Spain Brahim Diaz ayaa qarka u saaran inuu ka tago AC Milan dhamaadka heshiiskiisa amaahda ah isla markaana uu ku laabto Real Madrid , inkastoo kooxda reer Talyaani ay dooneyso inay ceshato 21 jirkaan. (Le10Sport)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer England Jadon Sancho ayaa qirtay inuu xilli ciyaareed adag la soo qaatay kooxda Borussia Dortmund tan iyo markii uu la xiriiray Manchester United laakiin 20 jirkaan ayaa aaminsan inuu haatan ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa. (Manchester Evening News)

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Fernandinho ayaa ka hadlay rajada 35 jirkaan uu dib ugu laaban doono kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense marka qandaraaskiisa kooxda Premier League uu dhaco xagaagan. (Globo Esporte)

Fenerbahce ayaa 14 milyan oo ginni ku dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Turkiga Ozan Tufan oo ay xiiseenayaan Crystal Palace iyo West Bromwich Albion oo labaduba xiiseynaya 25 jirkaan, iyo kooxda reer Russia ee CSKA Moscow (Hurriyet)

Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay kooxo ka dhisan Belgium, Germany iyo Switzerland si amaah ay kula wareegaan 19 jirka daafaca reer Holland Sepp van den Berg. (Goal)

Weeraryahanka Southampton Dan N’Lundulu, oo ku matalay England heer dhalinyaro, ayaa diirada u saaran Real Betis . 21 jirkaan ayaa qandaraaskiisa waxaa uga harsan 18 bilood. (TodoFichajes)

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*