Falanqeynta Kulanka Burnley vs Manchester United ee Horyaalka Premier League

Kooxda Manchester United ayaa ka hortageysa dhigeeda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka Premeir League oo United u sahli kara in hogaanka Horyaalka qabato.

Weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ayaa mar kale diyaar ah ka dib markii uu dhameystiray ganaax seddex kulan ah.

Victor Lindelof iyo Luke Shaw ayaa soo laaban kara Paul Pogba oo isna seegay kulankii FA Cup-ka ayaa isna diyaar ah.

Eric Bailly, oo dhaawac qoorta ah gaaray kulankii Watford, ayaa sidoo kale wajahaya tijaabo caafimaad oo waqti danbe ah.

Kulanka Burnley vs Manchester United

Tartanka Premeir League

Wakhtiga: 23:15

Garoonka: Turf Moor

Ciyaaryahanka kooxda Burnley Charlie Taylor ayaa shaki uu ku jiraa dhaawac bowdada ah halka daafaca kale ee Kevin Long isna sidoo kale la kormeeri doono ka dib markii uu canqowga ka soo laabtay.

Jay Rodriguez iyo Dwight McNeill ayaa sidoo kale la dagaalamaya dhaawacyo sidoo kale waa la qiimeyn doonaa ka hor kulanka.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester United ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay Burnley Premier League.

Burnley wax gool ah ma dhalin shantii jeer ee ugu dambeysay oo ay marti u aheyd United.

Laakiin Clarets ayaa 2-0 ku badisay Old Trafford kulanki ugu dambeeyay ee kooxaha ee bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxaana laga yaabaa inay badiyaan kulamada isku xigta ee horyaalka ee ay la ciyaaraan United markii ugu horeysay tan iyo 1968.

Kooxda garoonkeeda ma aysan guuleysan sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*