Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Neymar oo Heshiis Cusub Saxiixaya iyo Qodobo kale oo Xiiso leh

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo Ama

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Superstar reer Brazil ayaa ku dhow in uu Qandaraas Cusub u Saxiixo Kooxda PSG oo wadahadalo kula jirta Neymar ayaana ku dhow inuu ogolaado heshiis kordhinta kooxda Paris Saint-Germain , sida ay qortay (Mundo Deportivo).

Red Devils ayaa dooneysa daafaca Real si ay ugu xoojiso Kooxda inta ka dhiman xili Ciyaareedkan Manchester United ayaa, sida laga soo xigtay Calciomercato, waxay u furan tahay fikradda ah inay la saxiixato Sergio Ramos heshiis labo sano ah oo qaali ah . (Calciomercato)

Liverpool ayaa u aragta wax aan macquul aheyn inay lasoo wareegto Dayot Upamecano bisha Janaayo, sida ay qortay (Sky Sports)

Arsenal ayaa, sida laga soo xigtay 90min , wadahadal la furtay wakiillada weeraryahanka Paris Saint-Germain Julian Draxler. (90min)

Chelsea ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha 19-jirka reer Ecuador ee caanka ah Moises Caicedo, kaasoo sidoo kale ay isha ku heyso Manchester United. (Dailymail)

Kooxda Ligue1 ka dhisan ee PSG ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga Barcelona Lionel Messi xagaaga soo aadan. (AS)

Barcelona ayaa hakisay qorshihii ay ku iibin laheyd Junior Firpo inta lagu gudajiray suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.  (Marca)

Zinedine Zidane ayaa diyaar u aheyn inuu isticmaalo bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee Isco kulamada waa weyn ee ololihiisa madama uu ku riixayo ciyaaryahanka reer Spain inuu ka tago Real Madrid ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Marca)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto wakiilada xiddiga Celta Vigo Stefan Bajcetic si ay ugu soo dhaqaaqaan Old Trafford. ( La Voz de Galicia)

Chelsea ayaa laga yaabaa inaysan waddo cad u marin khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice, iyadoo Liverpool iyo Manchester United ay labaduba soo galeen ugaarsiga ay kula wareegayaan saxiixa ciyaaryahanka reer England.(The Mirror)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay inay la soo wareegto Saul Niguez (Ligafinancial)

 

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*